Nin Qudha Ka Jaray Sodohdii Iyo Sababta Ku Kaliftay+Wadanka U Dhashay

0
Friday January 26, 2018 - 16:57:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Qudha Ka Jaray Sodohdii Iyo Sababta Ku Kaliftay+Wadanka U Dhashay

    Nin Ka soo Jeeda Degaanka Limuru ee ismaamul Goboleedka Kiambu ee Gobolka Bartamaha Dalka Kenya ayaa Waxaa uu Dilay Haweeney Sodoh u aheyd oo Da,deeda Lagu Sheegay 83 Sano Ka Hor inta uusan isku Dayin in uu isdal dalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Ka soo Jeeda Degaanka Limuru ee ismaamul Goboleedka Kiambu ee Gobolka Bartamaha Dalka Kenya ayaa Waxaa uu Dilay Haweeney Sodoh u aheyd oo Da,deeda Lagu Sheegay 83 Sano Ka Hor inta uusan isku Dayin in uu isdal dalo.


Dhacdadaan ayaa Waxaa ay Ka Dhacday Tuulada Gichiengo oo Hoos Tagta Waaxda Kijabe ee Degmada Lari.


Danbiilahaan oo Ka shaqeeya iskuulka Hoose ee Ndeiya ayaa La sheegay in uu Guriga Sodohdiis uu u Booqday Sababo Lagu sheegay Qilaaf u Dhaxeyay isaga iyo afadiisa.

George Nderu oo 45 Jir ah ayaa Raadinayay Xaaskiisa oo ka soo Carootay Taasi oo La Sheegay in ay isku Qabteen Sababo aan La shaacin.

Haweeneyda Sodohda u aheyd oo Lagu Magacaabayay Rahab Njeri ayaa Waxaa Wararku ay Tilmaamayaan in uu Kala Kulmay soo Dhaweyn Diiran,Wxaana Horay Guriga u sii Joogay Marti Kale oo soo Booqday Kuwaasi oo Marka ay Arkeen Sodohda Wiilkeeda Guriga isaga Tagay.

Daqiiqado Kadib ayaa Waxaa ay Maqlen Qeylada Haweeneydaan iyaga oo Markii ay Dib ugu Laabteen Guriga Ku arkay Haweeneydaan oo Dhulka Taala.

Ninka Falkaan Geystay ayaa isla Durbadiiba Goobta isaga Baxay iyado Dilka sodohdiis uu adeegsaday Toori sida ay Goob Joogayaal ku sugnaa Halkaasi Sheegeen.

Taliyaha Ciidamada policee-ka Magalada Limuru Mr Mr Isaiah Odhiambo ayaa sheegay in Danbiilaha ay uga daba tageen guri uu isku xiray si uu isku daldalo haatana ay ku hayaan isbitaalka.