Doorashada Kursiga Xildhibaanimo Taliyihii Nabad Suggida Sanbaloolshe oo Berri Johwar ka dhaceysa

0
Saturday January 27, 2018 - 10:01:40 in by salman abdi
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Kursiga Xildhibaanimo Taliyihii Nabad Suggida Sanbaloolshe oo Berri Johwar ka dhaceysa

    Doorashada Kursiga Xildhibaanimo Taliyihii Nabad Suggida Sanbaloolshe oo Berri Johwar ka dhaceysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Kursiga Xildhibaanimo Taliyihii Nabad Suggida Sanbaloolshe oo Berri Johwar ka dhaceysa

Waxaa Berri lagu waddaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle lagu qabto doorashadda kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida Sanbaloolshe oo kursigaasi waayay markii uu noqday taliyaha.


Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashadda ayaa ka socota Magaalada Jowhar , iyadoona ay xusid mudan tahay in kursigaan ay ku tartamaayaan xubno si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Lixda Musharax ee kursiga ku loolamaya ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, sida lacagaha laga rabo musharaxiinta ee shanta kun oo dollar ($5,000).

Magacyada Musharaxiinta ku tartamaya kursiga Xildhibaanimo ee Golaha shacabka.

1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle