Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

0
Saturday January 27, 2018 - 10:01:40 in by salman abdi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

    Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fransiiska oo ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro Venazuela

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in cunaqabateyn adag la saaro dalka Venazuela, kadib markii maxkamadda ugu sareysa dalkaasi ay isbaheysiga mucaaradka ee ugu weyn Venazuela ka mamnuucday inay ka qeyb galaan doorashada madaxtinimada ee lagu wado in dalkaasi ay ka dhacdo bisha April ee sannadkan.

Macron ayaa ku eedeeyay madaxda dalkaasi inay carqaladeynayaan dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee Venazuela.

Hadalka madaxweynaha Fransiiska ayaa yimid , kadib markii maxkamadda ugu sareysa dalkaasi ay xayiraad kusoo rogtay mucaaradka.

Midowga Yurub ayaa sidookale toddoaabdkan xanibaad kusoo rogay hantida dalkaasi u taalay wadamada Yurub, waxaana sidookale ay xayiraad kusoo rogeen toddobo sarkaal oo katirsan dowladda.

Madaxweynaha Fransiiska oo ka hadlayay kullan uu la qaatay dhigiisa Argentina, Mr Mauricio Macri ayaa waxaa uu sheegay in wax rajo ah aysan ka soo jeedin dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Nicolás Maduro, waxaana uu ku baaqay dadaal wadajir ah oo uu sheegay in lagu soo celinayo dimoqraadiyadda Venezuela.

Labada hogaamiye ayaa cambaareeyay go'aanka mucaaradka lagaga mamnuucay doorashada.