Wadamada Ethiopia Iyo Nigeria Oo Sare U Qaaday Iskaashiga Labadooda Dal.

0
Saturday January 27, 2018 - 10:01:40 in by salman abdi
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Ethiopia Iyo Nigeria Oo Sare U Qaaday Iskaashiga Labadooda Dal.

    Wadamada Ethiopia Iyo Nigeria Oo Sare U Qaaday Iskaashiga Labadooda Dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada Ethiopia Iyo Nigeria Oo Sare U Qaaday Iskaashiga Labadooda Dal.

Waxa kaloo ay isla soo qaadeen inay iskaashi ka yeeshaan cilaaqaadka goboleed ee galbeedka afrika iyo geeska Afrika, siday daabacday wakaallada

Wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka Itoobiya iyo Nigeria, ayaa ka wada xaajooday sidii ay u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labadooda dal.

Waxa kaloo ay isla soo qaadeen inay iskaashi ka yeeshaan cilaaqaadka goboleed ee galbeedka afrika iyo geeska Afrika, siday daabacday wakaallada wararka Itoobiya ee ENA, oo Hadhwanaag News ka soo xigatay, waxa ka mid ahaa qodobbadii ay wadajirka u lafo-gureen arrimo la xidhiidha Gaadiidka, maalgashiga iyo ganacsiga.

"Waxaanu ka wada hadalnay inaanu sii quwayno cilaaqaadka labada dal iyo kuwa goboleed,”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Nigeria, Mr. Geoffrey Onyeama oo warbaahinta ugu warramay Addis ababa, waxaanu


intaas raaciyey; "Mid ka mid ah qodobbada aanu ka wada hadalnay ee aanu degdejinayno waxaa ka mid ah gaadiidka, sida laga warqabo diyaaradda (Ethiopian airways) waxay leedahay khibrad badan oo aanu doonayno inaanu iskaashi la yeelanno.”

 

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay inay sii xoojinayaan maalqabeenada Afrika ee maalgashada Itoobiya iyo meelo kale oo qaaradda ka mid ah.

Wasiirka Khaarajiga Itoobiya wuxuu sheegay shirkadda maalgashiga ee (Dangote Group investment) ay muujisay awooda shirkadaha Afrika ee doonaya inay taabogaliyaan horumarka qaaradda.

"Ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika waa mid yar, sidaas awgeed waxaanu doonaynaa inaanu ka shaqayno sidii loo xoojin lahaa arrintaas oo isbeddel looga samayn lahaa,”ayuu yidhi Dr. Workneh Gebeyehu.