Askar ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Colombia

0
Sunday January 28, 2018 - 10:05:30 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Colombia

    Askar ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Colombia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Colombia

 

shan ka mid ah booliiska dalka Colombia ayaa ku dhintay weerar bambaano oo lala beegsaday saldhig booliis.

Ciidamada ayaa shaqadooda isu diyaarinayay xilliga aroortii markaasi oo uu qaraxani ka dhacay meel banaanka ka ah sladhigaasi.

Booliiska dalka Colombia ayaa u balanqaaday 18,000 oo doolar oo abaalmarin ah cid waliba oo keenta macluumaad ku saabsan ciddii masuulka ka ahayd weerarka.

Ugu yaraan 40 qof oo kale ayaa ku dhawacmay ka dib markii bambaano ah kuwa meelaha fog laga hago ay ku qaraxday saldhig boooliis oo ku yaalla magaalada Barranquilla oo ku taalla wuqooyiga dalkaasi.

Duqa magaaladaasi ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in qaraxani uu aargoosi u yahay howlgalo ka dhan ah ka ganacsiga darogada oo ay fuliyeen booliiska.

Booliiska ayaa waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in qaraxa lagu sii aasay goobtaasi.

Madaxwayne Juan Manuel Santos ayaa canbaareeyay weerarkaasi waxa uuna ku tilmaamay "fal fulaynimo ah.

Madaxwaynaha Colombia ayaa intaa ku daray in laamaha dowladda aysan nasan doonin ilaa ay gacanta kaga soo dhigayaan dadkii masuulka ka ahaa weerarkaasi.