Xukuumada Oo Amar Culus Dul Dhigtay Shirkada Maamusha Dekeda Berbera Ee DP World Iyo Waxa Uu Yahay.

0
Sunday January 28, 2018 - 10:05:30 in by salman abdi
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Amar Culus Dul Dhigtay Shirkada Maamusha Dekeda Berbera Ee DP World Iyo Waxa Uu Yahay.

    Xukuumada Oo Amar Culus Dul Dhigtay Shirkada Maamusha Dekeda Berbera Ee DP World Iyo Waxa Uu Yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Amar Culus Dul Dhigtay Shirkada Maamusha Dekeda Berbera Ee DP World Iyo Waxa Uu Yahay.

 

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo wali kuk hawlan xalinta sicir bararka dalka ka jira ayaa soo saartay go’aamo la dul dhigay shirkada kala duwan oo loo aanaynayo inay lug ku leeyihiin dhibaatada jirta.


Wararka ayaa sheegaya in xukuumadu ay shirkada DP World ku amartay inay sanduuq xisaabeed ka furato baanka dhexe ee somaliland taas oo looga baahan yahay inay dhigato lacagta ka soo xaroota dekeda Berbera.Shirkadaha la dul dhigay go’aamada culus ayaa waxa ka mid ah shirkada gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ee DP World, taas oo xukuumadu ku amartay inaanay lacagta ka soo baxda dekeda ka saarin dalka.

Sidoo kale shirkada DP World ayaa laguamray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan baananka gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee somaliland.

 

Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadu dul dhigtay.

Wasaarada maaliyada somaliland ayaa sidoo kale lagu amray inay baanka dhexe ku wareejiso lacagta doolarka ah ee u taala sanduuq xisaabeedka uga furan baanka.

Xukuumada oo wali ku hawlan xal u helida dhibaatada sicir bararka ayaa damacsan inay xoojiso shaqooyinka uu baanka dhexe qabanayo si uu awood ugu yeesho inuu maamulo suuqyada lacagta ee somaliland.