Australia oo labo jibaaraysa samaynta hubka

0
Monday January 29, 2018 - 11:22:45 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia oo labo jibaaraysa samaynta hubka

    Australia oo labo jibaaraysa samaynta hubka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Australia oo labo jibaaraysa samaynta hubka

Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay dajisay qorshe ay kaga mid noqonayso 10-ka dowladeed ee adduunka ugu dhoofinta badan hubka noocyadiisa kala duwan 10-ka sano ee socda.

Hadda waxa suuqa adduunka ku gaddaa Australia hub qiimihiisu gaarayo $1.6 bilyan oo doolar, waxayna ku jirtaa kaalinta 20-naad adduunka.

Ra'isulwasaare Malcol Turnbull ayaa sheegay in warshadaha hubka la siinayo lacago deyn ah si ay sare ugu qaadaan iibka hubka ee seyladaha adduunka, wuxuuna intaas ku daray in qorshahan uu abuurayo shaqooyin badan.

Waxaa la sheegay in suuqyada ugu badan ee hadda wax loo dhoofinayo ay yihiin UK, Maraykanka, Canada iyo New Zealand, balse sidoo kale Bariga Dhexe iyo Asia iyaguna la bartilmaameedsanayo.

Wasiirka gaashaandhigga Australia Christopher Pyne ayaa sheegay in suuqyada ay hubka geynayaan ay ka fiirsanayaan.

Balse dadka dhaleeceeya qorshahan ayaa sheegay in Australia ay dhoofinayso geerida, islamarkaasna ka macaashayso dhiigga dadka.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee dhoofiya hubka, waxaa xiga Ruushka, Shiinaha, Faransiisk, Jarmarka iyo Maraykanka.