Hogaamiyaasha Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlaya arimaha ku saabsan xiisadda wabiga Nile.

0
Tuesday January 30, 2018 - 09:59:38 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaasha Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlaya arimaha ku saabsan xiisadda wabiga Nile.

    Hogaamiyaasha Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlaya arimaha ku saabsan xiisadda wabiga Nile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaasha Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ka wada hadlaya arimaha ku saabsan xiisadda wabiga Nile.

Hoggaamiyeyaasha wadamada Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa kulan gaar ah ku yeesheen Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya,halkaas oo uu ka socda shir madaxeedka 30aad ee Midowga Afrika., si ay uga wada hadlaan xalinta khilaafka ka dhexjirta ee mashruuca biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya (GERD).


Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya ayaa xaqiijiyay wadaxaajoodyada saddexda hogaamiye ee Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, Cumar Xasan al-Bashiir ee dalka Sudaan iyo ra'iisal wasaaraha Itoobiya Hailermari Desalegn, isaga oo sheegay in ay wadahadal ka yeesheen 'arrimaha ku saabsan saddexda dhinac ee danaha guud' .



Sida laga soo xigtay wargayska Addis Standard ,madaxweynaha dalka Masar, ayaa muqaal laga duubay ku sheegay in xiriirka u dhexeeya saddexda dal uu wanaagsanyahay.


Madaxweynaha Masar ayaa intaa raaciyay in wax walba uu fiicanyahay islamarkaana loo midaysanyahay in xal waara laga gaaro mashruuca biya xireenka Itoobiya.
Xidhiidhka u dhaxeeya saddexda wadan ayaa dhowaan cidhiidhi galay ka dib markii la isku afgaran waayay saamaynta uu ku yeelan karo mashruuca GERD biyaha ay wabiga Nil ka helaan Masar iyo Suudaan.


Masar ayaa ku andacoonaysa in daraasado farsamo ay tahay in la sameeyo si loo qiimeeyo saameynta, xitaa waydiistay in Bangiga Adduunka loo magacaabo dhexdhexaadiye, halka Itoobiya ay ku adkeysaneyso in mashruucu uusan saameyn doonin socodka biyaha ee dalka la deriska ah.