Odinga ka sokoow, waa kuwee raga kale ee Afrika isu dhaariyay madaxweynenimo?

0
Wednesday January 31, 2018 - 10:28:32 in by salman abdi
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odinga ka sokoow, waa kuwee raga kale ee Afrika isu dhaariyay madaxweynenimo?

    Odinga ka sokoow, waa kuwee raga kale ee Afrika isu dhaariyay madaxweynenimo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odinga ka sokoow, waa kuwee raga kale ee Afrika isu dhaariyay madaxweynenimo?

Shalay waxaa madaxweynenimo isu dhaariyay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, balse inta taariikhda la ogyahay kaligiis ma ahan qaaradda Afrika ragga kaligood is dhaariyay.

Tusaale hoggaamiyaha mucaaradka Uganda Dr Kizza Bisigye oo muddo dheer mucaarad ku ahaa Yoweri Musavani ayaa is dhaariyay labo sano ka hor.

Waxa uu soo saaray muuqaal muujinaya isaga oo loo dhaarinayo madaxweynenimada Uganda waxyar ka hor inta aanan xilka markale loo dhaarin Musavani.

Waa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta qiyaano qaran oo illaa iyo hadda socota.

Shan sano ka hor hoggaamiyaha mucaaradka DRC Congo Etienne Tshisekedi ayaa is dhaariyay kadib markii uu kaalinta labaad ka galay doorasho ay ku tartameen isaga iyo madaxweyne Joseph Kabila.

Etienne TshisekediLahaanshaha sawirkaEMPICS
Image captionEtienne Tshisekedi

Waxaa markii dambe la galiyay xabsi guri.

Dalka Nigeria sanadihii 1990-naadkii, waxaa madaxweynenimo isu dhaariyay Moshood Abiola oo mucaaradka ka tirsanaa, isaga oo kasoo horjeeday xukunkii Sani Abacha. Waxa uu falkan sameeyay waxyar kadib markii uu booqday dalalka reer galbeedka.

Moshood Abiola waxa uu mucaarad ku ahaa Sani AbachaLahaanshaha sawirka.
Image captionMoshood Abiola waxa uu mucaarad ku ahaa Sani Abacha

Waxaa lagu soo oogay qiyaano qaran, waxaana xabsi la dhigay muddo afar sano ah.

Sanadkii 2016-kii, hoggaamiyaha mucaaradka dalka Gabon Jean Ping ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday, wuxuuna sheegay in uu ka guuleystay madaxweyne Cali Bongo.