Weah oo sheegay in uu badalayo sharciga 'cunsurnimada ah' ee Liberia

0
Wednesday January 31, 2018 - 10:35:31 in by salman abdi
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weah oo sheegay in uu badalayo sharciga 'cunsurnimada ah' ee Liberia

    Weah oo sheegay in uu badalayo sharciga 'cunsurnimada ah' ee Liberia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weah oo sheegay in uu badalayo sharciga 'cunsurnimada ah' ee Liberia

Madaxweynaha cusub ee dalka Liberia ayaa sheegay in uu wax ka badalayo wax uu ku tilmaamay 'sharciga muwaadhinimada ee cunsuriyada ku salaysan' ee dalkaas, kaas oo gabi ahaanba mamnuucaya in qof aanan madoow ahayn uu muwaadhin ka noqdo Liberia.

George Weah ayaa sheegay in qodobkaas sharciga ku jira uusan haboonayn, lana doonayo in meesha laga saaro si Liberia ay u noqoto dad aysan ciddina mamnuuc ka ahayn.

Qodob kale oo ku saabsan in shisheeyaha aysan wax ganacsi ku lahaan karin Liberia, ayuu sheegay in isagana meesha laga saarayo si loosoo jiito maalgashi.

Liberia ayaa waxaa asaasay dadkii adoomada madoow ahaa ee laga soo celiyay Maraykanka sanadkii 1847, xiligaas ayaanan sharcigaas la qorey.

Dadka muwaadhinimada loo diiday waxaa ka mid ah illaa 4,000 qof oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan oo sanooyin aad u badan ku noolaa Liberia.

"Sharcigan waxa uu ka hor imanayaa fasiraadda saxda ah ee kalmadda Liberia oo micnaheedu yahay xor" ayuu yiri Weah.

Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka ayuu shaaciyay in mushaarkiisa uu dhimmi doono 25% maadaamaa dowladda aysan lacag badan heysanin. Wuxuu ugu baaqay in xildhibaanada ay tusaalahaas oo kale sameeyaan.