Xukumada Soomaliland Oo Ku Dhawaqday Abaaro Bahsaan Oo Dalka Soo Wajahay

0
Wednesday January 31, 2018 - 13:30:07 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Soomaliland Oo Ku Dhawaqday Abaaro Bahsaan Oo Dalka Soo Wajahay

    Xukumada Soomaliland Oo Ku Dhawaqday Abaaro Bahsaan Oo Dalka Soo Wajahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumada Soomaliland Oo Ku Dhawaqday Abaaro Bahsaan Oo Dalka Soo Wajahay

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaar baahsan ay ka jirto deegaanada Somaliland.

Hargeisa (Burcoonline) 31.01.2018 Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaar baahsan ay ka jirto deegaanada Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay ayaa ku dhawaaqay abaartan ku habsatay degaanada Soomaaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 1,755000 qof ay saamaysay abaartu imika ka jirta Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa intaa ku daray in abaartan goobaha ay inta badan saamaysay ay tahay dhulka Xeebaha.”Waxaa aan haddii aan nahay hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka aan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa in dalka Soomaaliland ay abaar baahsan ka jirto, waxa ay abaartaasi dhamaan saamaysay gobolada Soomaaliland” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa xusay in abaartani ay saamaysay 47% dadka ku nool Somaliland.

Faysal, ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ,ganacsatada iyo xukuumadda Somaaliland in dadka ay abaarta saamaysay gargaar lala gaadho.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha in ay jiraan dad badan oo ku barakacay gudaha degaanada Somaliland, kuwaasi oo qaarkood soo barakicisay abaartii hore.