Dhakhtar Faro-xumeeyay 265 Gabdhood Oo Bukaankiisa Ahaa

0
Thursday February 01, 2018 - 10:38:07 in by salman abdi
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar Faro-xumeeyay 265 Gabdhood Oo Bukaankiisa Ahaa

    Dhakhtarkii kooxda qalaama-rogadka Maraykanka Larry Nassar ayaa la sheegay in gabdhaha yaryar ee uu faro xumeeyay ay gaarayaan illaa 265 qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtarkii kooxda qalaama-rogadka Maraykanka Larry Nassar ayaa la sheegay in gabdhaha yaryar ee uu faro xumeeyay ay gaarayaan illaa 265 qof.

Illaa 65 gabdhood oo hor leh ayaa qiraal ka bixinaya maxkamad todobaadkan, xili usbuucii hore ninkan lagu xukumay 175 sano oo xabsi ah kadib markii 160 dumar ah ay ka sheegteen in uu ku xad gudbay.

Dadka uu waxyeeleeyay waxaa ka mid ah gabadha qaadatay billada dahabka ah ee Alu Raisman iyo Jordyn Wieber..

Dhagaysiga dacwadan ayaa waxa ay ku saabsantahay sidii dhaqtarkan uu gabdhaha yaryar ugu xad gudbi jirey goob caafimaad oo uu xiriirka leeyahay ee gobolka Michigan.

Nassar ayaa waxa uu sidoo kale ka tirsanaan jirey jaamacadda Michigan State University, halkaas oo uu dhaqtar ka ahaa, islamarkaasna uu qirtay in uu 3 dumar ah oo bukaankiisa ka mid ahaa.

Mid ka ah gabdhaha uu ninkan waxyeelada gaarsiiyay ayaa waxa ay da’deedu ka hooseysay 13 jir, halka labo kalena ay jireen 15 sano.

Xaakimka maxkamadda Janice Cunningham oo ku sugan maxkamad yar oo ku taala magaalada Charlotte ayaa tiri "Tirada dhibenayaasha waxa ay gaarayaan 265, waxaana jira tiro kale oo aanan la garanaynin oo ku sugan dalka oo dhan iyo adduunka”.

Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMaxkamada oo ku taala magaalada Charlotte ayaa waxa lagu rakibay qalabka tabinta tooska ah
Maxkamadda ayaa ogolaatay in dhagaysiga si toos ah loo tabiyo si dadka maxkamadda ka maqan ay uga qeybqaataan.

Dacwadan ugu dambeysay ayaa waxaa laga yaabaa haddii lagu helo in lagu xukumo 25 sano illaa 40 sano.

Xiriirka qalaama-rogadka Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan ay is casileen dhammaan guddigii bud-dhigeyaasha xiriirka sababo la xiriira fadeexada Nassar.

140 ka mid ah dhibenayaasha ayaa dacwad ku furay xiriirka iyo jaamacadda Michigan , waxayna ka doonayaan magdhow lacageed maadaamaa ay iska dhego tireen cabashooyinkii ay ka gudbiyeen dhaqtarka.

Xeer illaaliyaha gobolka Michigan ayaa baaritaan dambiyeed ku furay jaamacadda, xili madixii iyo dhammaan maamulkii jaamacadda ay is casileen.