Isbitaal dhulka hoostiisa ku yaala oo Suuriya lagu duqeeyay

0
Friday February 02, 2018 - 11:22:25 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbitaal dhulka hoostiisa ku yaala oo Suuriya lagu duqeeyay

    Isbitaal ku yaala Suuriya oo dhulka hoostiisa laga dhisay si looga badbaado duqeymaha cirka ayaa la duqeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaal ku yaala Suuriya oo dhulka hoostiisa laga dhisay si looga badbaado duqeymaha cirka ayaa la duqeeyay.


Waxa uu isbitaalkan ka shaqeeyaa gobolka Xama, waxaana laga dhisay 20 mitir dhulka hoostiisa, meel buur ah.

Balse waxaa gilgiley weerar xaga cirka ah, waxaana ka dhashay burbur, balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Isbitaalkan ayaa lagu magacaabaa Al Maqbara oo loola jeedo 'Godka' , waxaana la sheegay in dhaqaatiirta iyo dadkii bukaanka ahaa ay meel bad qabta galeen kadib markii ay maqleen xiinka diyaaradaha.

Waxa uu isbitaalkan u adeegaa illaa 50,000 qof, bil kastana waxaa lagu sameeyaa 150 qaliin oo culculus.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 14 weerar lagu qaaday goobo caafimaad oo Suuriya ku yaala bishii Janaayo oo kaliya.

Lama oga cidda weerarka geysatay, balse diyaaradaha Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa meelahaas si joogta ah u duqeeya.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in goobaha go'doonka la gali waayay, islamarkaasna aanan wax gargaar ah la gaarsiin karin.