Saami Kala Badh Ku Dhow Oo Uu Madaxweyne Muuse Xukuumadiisa Ka Siiyay Masuuliyinta Xukuumadii Siilaanyo Iyo Arimaha Ku Gedaaman.

0
Saturday February 03, 2018 - 11:43:11 in by salman abdi
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saami Kala Badh Ku Dhow Oo Uu Madaxweyne Muuse Xukuumadiisa Ka Siiyay Masuuliyinta Xukuumadii Siilaanyo Iyo Arimaha Ku Gedaaman.

    Saami Kala Badh Ku Dhow Oo Uu Madaxweyne Muuse Xukuumadiisa Ka Siiyay Masuuliyinta Xukuumadii Siilaanyo Iyo Arimaha Ku Gedaaman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saami Kala Badh Ku Dhow Oo Uu Madaxweyne Muuse Xukuumadiisa Ka Siiyay Masuuliyinta Xukuumadii Siilaanyo Iyo Arimaha Ku Gedaaman.

iro ku dhow kala badh, xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa hadda dhisay ee uu ku magacaabay wareegto madaxweyne ayaa ah xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.
46% masuuliyiinta uu ilaa hadda madaxweyne Biixi magacaabay oo ka kooban 59 masuul waxa ay ka soo jeedaan xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee uu talada kala wareegay, waxaanay masuuliyiintani isugu jiraan golaha wasiirada, agaasimayaasha guud, guddoomiyayaal hay’adeed iyo weliba badhasaabo. 27 ka mid ah 59 ka masuul ee uu madaxweynuhu magacaabay ayaa ka soo jeeda xukuumadii Axmed-siilaanyo.

Wasiirada
Golaha wasiirada uu madaxweyne Biixi magacaabay oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo wasiir-xigeeno waxa xukuumadii hore kaga jira 10 masuul oo isugu jira lix wasiir oo shan 5 mid ahi ahaayeen wasiiradii xukuumadii hore iyo badhasaabkii gobalka Hargeysa oo isna noqday wasiirka ciyaaraha. Sidoo kale wasiir-xigeenada ka tirsanaa xukuumadii hore haddana xilalka wasiir-xigeen haya ayaa ah 4 xubnood.
Agaasimayaasha iyo hay’adaha kale
Masuuliyiinta uu madaxweyne Biixi u magacaabay agaasimayaal, guddoomiyayaal iyo maareeyayaal hay’adeed, la taliye madaxweyne iyo afhayeenka madaxweynaha ayay tiradoodu isku noqonaysaa 14 masuul. 14-kaas masuul ee uu madaxweynuhu magacaabay 9 ka mid ahaa ayaa ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waxaanay isugu jireen wasiirul dawleyaal, wasiir-xigeeno, maareyayaal hay’adeed iyo agaasimeyaal guud.
Badhasaabo
Gobalada Somaliland oo ay tiradoodu tahay 13 gobal, wuxuu qaarkood madaxweynuhu u magacaabay badhasaabo cusub, qaarna wuxuu dib ugu magacaabay masuuliyiintii hore madaxda uga ahaa, halka uu qaar kalena isku bedelay. Arbacadii la soo dhaafay Madaxweyne Biixi wuxuu magacaabay 7 badhasaab, halka uu dib ugu magacaabay xilalkoodii 5 gobal. 7-da uu magacaabay madaxweyne Biixi saddex ka mid ahi waxa ay ka tirsanaayeen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo. Saddexdan laba ka mid ah ayaa ahaa badhasaabada Gabiley iyo Togdheer oo uu isku bedelay, halka uu badhasaabka cusub ee gobalka Awdal isna ahaa agaasimihii guud ee wasaaradii wershadaha ee madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynuhu waxa kale oo uu wareegtadiisii Arbacadii ku sheegay in badhasaabada shan gobal ay sii ahaanayaan guddoomiyayaasha gobaladii ay fadhiyeen. Sidaas marka ay tahayna 13-ka badhasaab ee gobalada dalka 8 ka mid ah ayaa ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, mid agaasime ahaa marka laga reebo, 7 da kaleba waxay ahaayeen badhasaabadii madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay.
Waxaa intaas dheer in ay weli xilalkoodii haystaan masuuliyiin aad u tiro badan oo ka mid kuwii uu hore u magcaabay madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo si ka duwan badhasaabbada aanu madaxweyne Biixi u cusboonaysiin xilalka, balse sidoodii illaa imika loo daayey.
Gunaanad
In kasta oo ay run tahay in xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi ay ka soo jeeddo isla xisbiga KULMIYE ee ay mudane Siilaanyo iyo madaxweyne Biixi ka soo baxeen. Haddana sida looga bartay isbedellada madaxweyneyaasha, ma dhacdo in madaxweyne la doortay uu inta badan ee xukuumaddiisa ku daayo ama ka dhigo isla raggii la shaqaynayey madaxweynihii ka horreeyey, si maskax cusub iyo firfircooni hor leh loo beero, rayulcaamkana isbeddel loo tuso.
Marka Somaliland la eegana waxaa muddooyinkii uu dambeeyey ee madaxweyne Siilaanyo si joogto ah loogu jeedinayey gaabis iyo habac badan oo shaqada qaranka ku habsaday, musuqmaasuq, maamul xumo iyo arrimo la mid ah, sidaa awgeed inta badan ee dadka doortay madaxweyne Biixi, in kasta oo ay ahaayeen dadkii xisbiga, haddana iyaga iyo bulsho weynta kalaba waxa ay filaysay in uu yimaaddo isbeddel muuqda oo dhinaca maamulka ah, si loo dardargeliyo shaqada qaranka.