Didier Drogba oo ka fariistay ciyaaraha heerka caalami+xasuustisii qaranka

0
Saturday August 09, 2014 - 18:35:28 in by salman abdi
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Didier Drogba oo ka fariistay ciyaaraha heerka caalami+xasuustisii qaranka

    Weeraryahanka Chelsea Drogba ayaa dhaliyay 65 gool 104 kulan uu u saftay Ivory Coast mudo 12-sano ah oo uu ka tirsanaa. Isaga oo ciyaaray saddex koob adduun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Chelsea Drogba ayaa dhaliyay 65 gool 104 kulan uu u saftay Ivory Coast mudo 12-sano ah oo uu ka tirsanaa. Isaga oo ciyaaray saddex koob adduun.

Drogba ayaa kusoo laabtay Stamford Bridge bishii hore isagoo u saxiixay heshiis hal sanno ah ka dib kooxda Turkiga ee Galatasaray oo uu kasoo tagay.

36-sano jirkaan ayaa yiri: "sharaf weyn ayey ii aheyd inana kabtan unoqdo xulkeyga sideed sano inogoo kal;a qeyb galay koobbaa addunka.

Drogba ayaa rajeynaya in uu go’aan kaan ka caawin doono kusoo laabashadiis Primer Legaue kadin markii uu ka maqnaa labo sanadood.

Waxa ku taageray go,aanka uu ugu laabtay Chelsea kabtan John Terry oo wax wanaagsan ku tilmaamay inay markale midoobaan halyeygodii hore.

157 gool ayuu u dhaliyay 342 kulan oo uu usaftay sideed sano ayuuna ku qaatay garoonka Stamford Bridge.

Drogba ayaa yiri: "Waa wax murugo badan in aan qaato go,aankan aabn kaga fariistay ciyaaraha caalamiga waana mid igu adkaa qadashadiisa.

"Anigu ma gaarsiin mahad ku filan taageerayaasha lakiin waan u mahadcelinayaa sida ay igarabtagnayeen waqti kasta.

Xulka Les Elephants lagu neynaaso ayuuna sanadkan kala qeyb galay koobkii adduunka inkastoo uu ku guuldarestay inuu soo dhaafiyo wareega Group-yada.

Tariikh kobna

Magaciisa oo buuxa waa Didier Yves Drogba Tébily wuxuu ku dhashay Mar 11, 1978 magaalada caasimada ah ee Abidjan

hadda waa safiirka qaramada dhanka bani,adanimada dalkiisa uqaabilsan Qaramada midoowe

Drogba ayaana nolol ahaan kusoo koray mid dhib badan isaga oo shan sano oo kaliya markii uu jirsaday laga wareejiyay walidiintiis oo awood badan aan u alheyn koritaankiisa waxaana la geeyay xero caruurta lagu koriyo oo ku taala France halkaas oo uu kusoo bar baaray kana soo galay kubadda cagta.

Markisii ugu horeysay wuxuu usaftay xulkisa 8 September 2002 kulan ay wajahayeen xulkaSouth Africawuxuuna dhaliyay goolksii ugu horeeyay ee xulkaLes Éléphants11 February 2003 ciyaar ayCameroon3–0 kaga badiyeen.


Marakasta iyo Wakhti kasta kale saco Shabakada Afkashacabka Wararka Aduunka ka Dhaca iyo Ciyaraha Aduunka