Morgan Schneiderlin 'wan ka fariisanayaa ciyaaraha haddii Southampton ay i iibin weyso

0
Saturday August 09, 2014 - 18:28:50 in by salman abdi
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Morgan Schneiderlin 'wan ka fariisanayaa ciyaaraha haddii Southampton ay i iibin weyso

    24-sano jirkaan Morgan Schneiderlin ayaa lala xiriirinayay inuuTottenham ku biirayo laakiin Saints Gudoomiyaheeda Ralph Krueger ayaa waxa uu sheegay in uusan iib ahayn ciyaaryahankiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

24-sano jirkaan Morgan Schneiderlin ayaa lala xiriirinayay inuuTottenham ku biirayo laakiin Saints Gudoomiyaheeda Ralph Krueger ayaa waxa uu sheegay in uusan iib ahayn ciyaaryahankiisa.

Schneiderlin, oo seegi doona kulanka saaxiibtinimo ee Bayer Leverkusen, ayaa la siiyey laba maalmood oo fasax ah si uu kaga fakiro mustaqbalkiisa kooxda macalin tababare Ronald Koeman.

Warkaan ayaa yimid kadib markii daafaca kooxda Jose Fonte uu saxiixay heshiis cusub.

Fonte ayaa saxiixay heshiis uu kooxda kula siijoogayo ilaa 2017, iyadoo tababaraha reer Portugal uu sidoo kale ku Abaal mariyay kabtanimada xilli ciyaareedka soo socda daafcan.

Waxaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Cardiff City lakiin Koeman ayaa sheegay in inuu siiyay xididgiisa kalsooni uu ku ceshan karo,

Schneiderlin, ayaa doonaya inuu ku biro lix ciyaaryahan oo kooxda ka tagya xagaagan kuwaa oo ay kamid yihiin Weeraryahan Rickie Lambert, ciyaaryahanka khadka dhexe Adam Lallana iyo daafaca Dejan Lovren oo dhamaanba ku biiray Liverpool ,halka daafaca bidix ee Luke Shaw uu ku biiray Manchester United, Arsenal ayaa la saxiixatay iyana daafaca midig Calum Chambers iyada oo weeraryahankii kooxdaan Dani Osvaldo uu isna Amaah ugu biiray kooxda Inter Milan.

Schneiderlin ayaa tababar la qaatay kooxda iyo saaxiibadiisa toddobaadkan wana markisii ugu horeysay kadib markii uu kasoo laabtay fasaxii koobka adduunka.
Waxuu ku dhaleeceeyay kooxdiisa warbaahinta Bulshada isaga oo sidooakle ka diiday macalin Koeman inuu sii joogo kooxda,

 

"Xaaladdu waa mid adag, ciyaaryahanka wuxuu ku adkeynayaa inuu ka tagayo halkan ayuu,” Koeman u sheegay BBC Sport.

"Waxaan la hadlay isaga Gudoomiyaha kooxda lakiin xaaladisia waxba isakama badalin – annagu ma iibin Schneiderlin mana aqbalin wali dalab u yimid ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha kooxdan..

"Berri in uusan ka mid ah xulkeyga yuu ii sheegay waana ka aqbalay taas maskax ahaan inuu diyaar yahay waan fahmi karaa lkiin ma qanacsana isaga wali ayuu yiri macalinka.

Koeman ayaa ku daray hadalkiisa: "ilaa iyo todobaadka dambe waan qiimeyn doona xaalada xididgana Morgan iyo sida uu kusii joogi karo halkan.

Celtic Goolhayaheeda Fraser Forster ayey heshiis la gaartay kooxdan kaas oo£10m kaga ymid kooxda Celtic.

Sidookale kooxda ayaa keensatayRyan Bertrand oo daafca ah,Dusan Tadicoo khad dhaxe ah iyoSaphir Taider oo isna dhaxda ah,iyo weeraryahankaGraziano Pelle,halka kooxda macalin Koeman ay xiiseyneysa saxiixa Florin Gardos oo katirsan Steaua Bucharest iyo kooxda Sporting Lisbon’ninka u ciyaara ee Marcos Rojo.


Marakasta iyo Wakhti kasta kale saco Shabakada Afkashacabka Wararka Aduunka ka Dhaca iyo Ciyaraha Aduunka