Qiimaha akhriska WQ: Bashiir Raacdeeye

0
Saturday August 09, 2014 - 23:45:50 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha akhriska WQ: Bashiir Raacdeeye

    Akhris la'aan sidee loo noolaan lahaa? Buug la'aan akhristuhu siduu u noolaan lahaa? Qoraa la'aan buugaag ma la heli laaha?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhris la'aan sidee loo noolaan lahaa? Buug la'aan akhristuhu siduu u noolaan lahaa? Qoraa la'aan buugaag ma la heli laaha?


Qiimaha akhriska iyo macaankiisu ma’aha wax lagu soo koobi karo warqado dhowr ah ama buugaag.waxa ka faalloon kara macaan akhriska qof fahmay qiimaha buugga.waxa wax sheegi kara qof si dhab ah u dhuuxay qiimaha murtida iyo falsada,xikmadda iyo qiimaha akhriska.waxa dareen ka bixin karaa qof la saaxiibay buugaag kala duwan.

akhriska ;waa waxay nolosha qofku u baahan-tahay sida ay ugu baahan-tahay oksajiin-ta (oxygen),biyaha iyo cuntada.

akhrisku waxa uu ku bara duni cusub oo ballaadhan , murti iyo falsafad cusub.akhrisku waxa nafta ka kaalmeeyaa inay deganaansho iyo raaxo dhanka wadnaha iyo jidhka ah dareento ,farxad iyo rayrayn laga dheehdo wajiga qofka markasta iyo xillikasta,qofka ka dhigta buugga faralaab ama saaxiib waxa uu dadkale dheer yahay arimo badan,waxa ka mid ah ;waa qof aragtidheer,waa qof si xor ah u fekera.waa qofka fikirkiisa sal uga dhiga aqoon iyo garasho ama si akaadimiya oo dheer u fekera,waa qof indheer-garad ah oo macluumad badan xanbaarsan qofka wax badan akhriyaa, waa qof waayo-arag ah.waa qof hami-dheer .haddii buug aad akhrido waxay la mid tahay inaad laba-sano oo waay-aragtinima ah leedahay waayo qof waliba inta uu akhriyo ayay aqoontiisu le’eg tahay!

bal qiyaas qofka akhriyay 20 buug hal sano gudaheed!?.

qofka akhriska jecel ;goobta uu u ugu jeclayahay inuu markasta joogo waa "maktabadaha”.marka uu ka fog-yahay ama ka maqnaado in muddo ah maktabadda,waxa uu dareema boholyaw,waa uu ku riyoodaa ,waa uu tebaa sidii lammaane is-jecel oo beryo kala baaday!.

qofka akhriska jecel saaxiibkiisa uu aad-ka u jecel yahay waa " buugga” haddii uu gacantiisa buug ka waayo ama xafiiskiisa, waxa uu naftiisa ka dareema culays.

akhristuhu marka uu akhriyayo buugga ee marba xaashi soo rogayo ilaa uu dhammadka gaadhayo isagoo dhex mushaaxaya caalamka murtida iyo xikmadda ,tixda iyo tiraabta tolmoon,isagoo ay marba naftiisu ku xasilayso murti iyo macluumaad hor leh ilaa uu gunaanadka gaadhayo.dadka akhriska dhaqanka ka dhigaa waxay ku ficaan yihiin hugaaminta iyo xalinta muskiladaha waay waa;dad waayo-arag ah!

Akhristaha wanaagsan

Waa kuma akhristaha wanaagsani? Waa maxay astaamaha akhristaha wanaagsani?

"Hadal la kala-odhan og,allena la kala caabudi og”waa maahmaah soomaaliyeed ,waxan se uga socda akhristaha wanaagsani buuggana kala iibsan og ,akhriskana ku kala wanaagasan!.

akhristekasta ma noqon karo akhriste wanaagasan.akhristaha wanaagsani ;waxa uu isticmaala tallabooyin iyo nidaam uu wax ku akhristo isagoo xilliga uu wax akhrinayo ka fogaada waxkasta oo ka mashquulinaya buugga uu akhrinayo,waxkasta oo ka faa’iido buuggaas uu akhrisanayo ,waxa uu ku qorta buug-yar oo uu ugu talo-galay faa’iidooyinka buuggaas.tani waxay ka caawisa inuu ku dhaqmo talooyinka iyo murtida dhaxal gal ka ah ee uu buuggaas ka faa’iiday.

akhristaha wanaagasani;akhriska waxa uu ku celiyaa tiroba dhowr jeer waayo waxa uu og-yahay in markasta oo uu akhriyo inuu wax-cusub ka faa’iidayo.

Waa kuma qoraaga wanaagasani?

"Hadal la kala-odhan og,allena la kala caabudi og” maahmaadani waxay marag iga tahay sida dadka ilaahay abuurtay ay hadalka u kala qodobayn og yihiin,sidaa darteed qorayaashuna qoraalka ku kala wanaagsan.

qorayaasha qaarkood buugtooda akhristuhu ma jalleeco ama dhug ma siiyo,ma iibsado,ma xiiseeyo ,ma daneeyo,bilaash haddii lagu bixinayoo way adag-tahay inuu akhristuhu wakhti siiyo oo uu akhristo!,waxa taas ka soo horjeeda qorayaasha qaarkood buugta ay qoraan haddii ay daabacaan hal bilyan (1bilion) waxa dhici karta runtii in todobaad ama bil gudeheed lagu dhammaysto.

waa maxay sirto hadda ba? Ma quruxda iyo dhal-dhalaalka buugga mise waa jacayl qofnimo? Ma lacagta buugga ayaa jaban ?

Qoraaga wanaagsani;waxa uu u soo bandhiga akhristayaasha qoraal wanaagsan oo si akaadimiya loo qodobeeyay,lagu qurxiyay murti iyo falsad,tix iyo tiraab,aqoon iyo baadhtaan,hubin iyo higaad saxan.

Sal-dhig iyo udub dhexaad looga dhigay xeerka-qoraalka, talo iyo tafatir lagu daray.

Qoraaga wanaagsani;waxa uu awood u leeyahay inuu la wareego maamulka maskaxda iyo dareenka akhristaha kana yeelo sida uu rabo isagoo adeegsanya qalinkiisa kuna sixraya erega-qoran ee awood led.

Qoraaga wanaagsani waxa uu bedel karaa nolosha kafka bani-aadamka ah isagoo qalinkiisa adeegsanaya, sida uu akhristaha naftiisa dab uga dhex shidi karo ama murugo iyo farxad ayuu qoraaga wanaagsani ku kasban karaa quluubta akhristayaasha tani waxay u suurogelisaa qoraaga wanaagsan in buugkasta oo uu soo saaro lagu soo qamaamo marka la keeno sayladda kala iibsiga buugaagta, halka qoraaga xun buugtisa markiiba akhristuhu ka qaraaro,,,,,,,,!!

Qore; bashiir raacdeeye

Hargeysa ,somaliland