Maxaa Kala Haysta Samir Nasri Iyo Jamaahiirta Arsenal

0
Sunday August 10, 2014 - 11:24:45 in by salman abdi
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kala Haysta Samir Nasri Iyo Jamaahiirta Arsenal

    Xidiga khadka dhexe ee kooxda Man city Samir Nasri ayaa sheegay in cayda uu kala kulmo jamaamiirta Arsenal ay tahay nacasnimo.Nasri ayaa isku diyaarinayaa kulanka dhex maridoona Arsenal iyo Man city ee Community Shield ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Man city Samir Nasri ayaa sheegay in cayda uu kala kulmo jamaamiirta Arsenal ay tahay nacasnimo.Nasri ayaa isku diyaarinayaa kulanka dhex maridoona Arsenal iyo Man city ee Community Shield ka.

Kubbad sameeyahan ree France ayay jamaahiirta Gunners bartilmaameed sadaan marka ay iska horyimaadaan kooxaha Arsenal iyo Man City. Nasri ayaa kooxda City ku biiray sanadkii 2011 markaas oo uu ka wareegay kooxda Arsenal. Jamaahiirta Arsenal ayaa Nasri ku eedaysa inuu kooxdooda uga tagay arimo dhaqaale.

Nasri ayaa ka jawaabay cayda ay jamaahiirta Arsenal kula kacdo ka hor kulanka dhex maridoona Arsenal iyo City.Nasri ayaa yidhi: "waxaan filayaa in cayda aan kala kulmay jamaahiirt Arsenal ay tahay mid nacasnimo ah. Anigu ma ihi taageere Arsenal ah, anigu kamaan iman London.Run ahaantii, Anagu waxaanu nahay ciyaartoy waxaananu eegaynaa meesha dantu noogu jirto anaga iyo cimri ciyaareedkayaga”.


"Markii Man City isoo dalbatay waxay ahayd doorashadii ugu fiicnayd inaan halkan imaadaa. Tan iyo markii aan imid City waxaan ku guulaystay koobab, waxaanan ku noolahay lol ka fiican tii hore, sidaa daraadeed xaqiiqdii waxaan ku raxsanahay waxkasta.

"Haddii ay jamaahiirta Arsenal u arkayeen in wareegistaydii City ahayd mid xun, aniga wax dhibaato ah iguma hayso, waxay sameeyeen wixii aydoonayeen waxayna taageerayaan kooxdooda.waxay u haystaan inaan qiyaameeyay ama aan ka cadhaysiiyay laakiin arinku sidaa maaha. Anigu qof noocaas ah ma ihi, kaliya waxaan eegay waxa aniga ii fiican, waxaanan sameeyay waxay sameeyeen Bacary Sagna, Adebayor, Kolo Toure. Jamaahiirt a Arsenal waxay u haystaan inay kaliya lacagi kooxda iga kaxaysay laakiin arintu lacagta may ahayn”.

"Dabcan way noqon kartaa qodob ka mid ah laakiin haddii qof qaadanayo todobaadkii £200,000,£150,000 ama £100,000 maaha waxa kaliya ee farqiga samayn kara ama saamaynta ku yeelan kara noloshaada sidaa daraadeed taasi run maaha”.



Markasta iyo Wakhti Kasta Kale Saco Shabakada Afkashacabka Wararki Udanbayay iyo Ciyaraha Aduunka