BURCO BARBAARTU INAY KA HAAJIRAAN AYAY KU CAAN BAXDEE HANTIILAYASHINA MA HAAJIREEN?

0
Sunday August 10, 2014 - 14:42:36 in by salman abdi
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BURCO BARBAARTU INAY KA HAAJIRAAN AYAY KU CAAN BAXDEE HANTIILAYASHINA MA HAAJIREEN?

    Maqaalkaygan aan qalinka u qaatay waxa uu ka mid yahay maqaalada fara kutiriska ah ee ku qoran buugayga aan ku kaydiyo maqalada iyo fikirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkaygan aan qalinka u qaatay waxa uu ka mid yahay maqaalada fara kutiriska ah ee ku qoran buugayga aan ku kaydiyo maqalada iyo fikirada.


Jamhuurida Somaliland gobolada iyo degmooyinka ay ka kooban tahay gobolkasta iyo degmo kastaaba waxay leedahay astaan iyo wax lagu yaqaan.
Qalinkaygu waxa uu dul istaagi doona gobolka togdheer gaar ahan magala madaxdiisa burco.


Waxaynu is barbar dhigi doona waayadi hore burco siday ka ahayd dhanka dhaqalaha, dhismayaasha, waxbarashada,dhaqanka, ciyaaraha, hogaaminta , siyaasada, maamuska iyo arimo kale oo ay haybad u lahayd. Hadaba akhriste Dhamaan arimahan maxaa iska badaley wakhti xaadirkan ?


Sida igu maqaalada ah ee aan ka dheehday dad iga facweyn, taarikhda qoran iyo dhacdooyinki ka soo dhacay magalada burco iyo gobolka togdheer waxay ahayd magaalo koobsatay arimo magaalooyinka gayiga somalida iyo jamhuuriyada Somaliland-ba ku yar.


s/land waa wadan dhaqaale ahaan ku tiirsan xoolaha nool saylada ugu weyn ee adhiga ugu badan laga dhoofiya waxay ku taala magalada burco. Burco dhisme ahaan waa magalo dhul siman leh oo baaxad wayn ay haystaan dhismayaasheedu , waxa ku yaal dhismayaal qadiimi ah oo taarikhda Somaliland macneweyn ugu fadhiya , dhanka waxbarashada burco waxa ka soo jeeda aabihi tacliinta Somaliland maxamuud axmed cali , aqoonyahanadda wakhti xaadirkan umada s/land hormuud ka ah waxay ka soo aflaxeen iskuulada iyo malcaamadaha magalada burco , dhanka fanka iyo suugaanta gobolkan iyo degamadan burco waxay ahayd meel ku caan ah hidaha iyo dhaqanka somalida waxaynu tusaale u soo qadan karnaa abwaanka aadka loo jecel yahay alle cimriga haw siyaadiye Abwan Maxamed ibrahin warsame (hadraawi) inuu gobolkan ku ababay ku dhashay waxna ku bartay. 

Dhanka ciyaraha dhalinyarada gobolka togdheer waxay ahaayen kuwo hogaanka horyaalada tartamada hogaanka u haya guulo waaweyna soo hoyn jirey. Dhanka siyaasada Somaliland waxa soomaray afar madaxweyne saddex ka mid ahi waxay wax ka barteen ku barbaaren gobolka todh-dheer gar ahaan magalada burco.


Hadaba akhriste bal aynu jaleecno maxaa iska bedeley haybada iyo karaamada aynu ku xusnay magalada burco iyo gobolka togdheer.


1. Saylada xoolaha nool laga dhoofiyo suuqi iyo sawaxanki kala iibsiga ma aha sidii aad ku taqaaney ama aad ku maqashay, hoos u dhac wayn ayaa ku yimi , waxa loo aanaynaya dadki reer miiyiga ahaa ee xooluhu ka soo bixi jiren oo isbedel dhaqale mid dhaqan iyo iyi mid deegaaned ay saameeyen .


2. Dhamaan bilicdi magalada way isbedeshey wadooyinka waaweyn waxaad ku arkaysaa burbur , ciid, iy xashiish , iyo xafadaha magalada oo bilaabay in reer walba gurigooda guri jiingad ama qol yar ah amaba gaydh ka sii hor dhiso taasina ay keento in baaburti isku dhaafi kari waayan.


3. Waxbarashada magalada burco horumar way ku talaabsatay oo jamacada badan way yeelatay ilahay aya mahad leh , laakin waxa barbar socda iskuulo gaar loo leeyahay iyo malcaamada guri kasta , seked kastana iyo suuq kasta laga furay iyadoo loo adeegsanayo ganacsi ahaan, taasina ay keento in ardayda soo baxda ay tayo ahaan noqdaan qar liita oo aan guul ka soo hoyn imtixaanada shahaadiga ah ee sanad laha ah ee gobolada jamhuuridaya somaliland dhex mara, iyo tartamada quraanka ee bisha barakaysan la qabto.


4. Dhanka fanka iyo dhaqanka waxay caan ku ahayd ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay umuda Somaliland ku abtirsato saaxada way ka baxday taasi oo dhalinyaro badan waxay ku sababtay inay bartaan dhaqamo kale oo shisheeye oo ay u haystaan wax ay iyagu iska leeyihiin.


5. Dhanka ciyaraha kubada cagta iyo tartamada kale ee dhex mara gobolada dalka waxay ahaan jiren qaar kooxaha gobolka iyo degmadu guulo lagu kalsoonan jirey soo hoyn jirey taasi saaxada way ka baxday oo waxay marayaan ciyaarihi iyo kooxihii degmadu heerku u hooseyey iska daa inay guul soo hooyaan ee ceebihi iyo fadexadi soo wajahay ayaa la maarayn laayahay.


6. Dhanka hogaamiyayaasha jamhuuriyada Somaliland madaxweynayaashi iyo hogaamiyaashi wadanka so maray iyo kuwa haatan siyaasada wadanka gadhwadeenka ka ah waxay door wayn ku leeyihin amaba ku suntan yihin badankoodu inay gobolka togdheer ka soo jeedan amaba waxbarasho iyo nolol bilow ah ku lahaayen.


7. Hantiilayaasha ama ganacsatada wadanka Somaliland qaar badan oo ka mid ahi waa reer togdheer oo ganacsigooda ka soo bilaabay magalada burco wakhti xaadirkan se ka laalabtay oo aan hanti badan ku lahayn magalada burco ee ay ka soo farcameen .


Magalada burco waxay maraysaa heerarki ugu xumaa abid inta taarikhda la og yahay waayo waxad maqlaysa amaba aad arkaysa dhalinyaradii oo sii qulqulaysa oo u haajiraysa wadamad shisheeye si ay u helaaan nolol ka fiican tan haatan ay ku nool yihiin, iskaba dhaafo waxa hada so baxday in qofkasta oo hela lacag yar oo ku hamiya inuu ganacsi ama wax soo saar sameeya waxa uu aaminsan yahay inanu ganacsigiisu ku kobcayn burco ee ula haajiro kharashka uu ugu talo galay inuu ganacsiga ku bilaabo magalooyin kale sida caasimada hargaysa.


Hadii la yaqaaney guryo qurux badan in burco laga dhisto waxay isu bedeshey in caasimada loo wareego , hadii la yaqaney in waxbarasho fican laga helo waxay isu bedeshey in hargaysa waxbarasho fiican loo doonto , hadii la yaqaaney in la helo meelo lagu madadaasho waxay noqotay in caasimada la aado .
Marka aad la sheekaysato ama kaftan wadaag idin dhex maro dadka kale ee gobolada jamhuuriyada Somaliland ka soo jeeda waxad oganaysa in Burco laga aaminsanyahay magaalo leh siyaasiyiin, hantiilayaal oo aan qabin baahiyaha ay qaban gobolada kale ee wadanku.


Waa magaalo ka aradan hantida eebe ku galadaysatay , waa magaalo ku socota inay noqoto lama degaan. Waa magaalo u baahan in maskaxda laga dhiso oo dadka indheer garadka ahi ay usoo gurmadaan.


Akhriste waad ku mahadsan tahay wakhtiga aad u hurtay inaad akhrido maqaalkan. Hadii ay jiraan gef ama khalad aan galay oo aad ku dhex aragto maqaalkan fadlan isoo gudbi keliya waa fikirkayga oo aan cabiray.


WQ: Mohamed salad ali 

Email: salaadcali@hotmail.com 

facebook: salaad10 ama Mohamed salad

Mohamed Salaad's photo.