Qaybtii 5 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo)

0
Saturday February 24, 2018 - 13:35:19 in by salman abdi
  • Visits: 1006
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybtii 5 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo)

    Qaybtii 5 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 5 aad Sheekadii Qumane iyo Qallanbaawi, Qallinkii Ibraahim (Xabbo) Qumane. Hadaan ku idhi Reerkeena aynu ka qabano labada nin ee dhacay ee Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro ma ceebaa miyaanay tallo sax ah ahayn. Qallanbaawi. Horta waad is ilowdaye halkani maaha Gollahii What's app groupka Waddani ee kolna ku sheegi jirteen Gollaha Garxajis. Marka aad leedahay Reerkeena aynu ka qabano Faysal iyo Cabdiraxmaan maxaad uga jeedaa? Maxaa isku marray Faysal iyo Cirro? Ma waxaad kalla garan weyday Siin iyo Saad mise Deel iyo Daal? Reerkeenu se waa ayo? Anaga iyo Somaliland toona maba hayno Siyaasi Faysal uga lexojeclo badan dalka iyo dadka. Ragana kalla du adeer. Wax ha isugu kaaya mullaaqin anagee kuwiina Dabiibta oo Cashariya bal Siyaasadi ha danbaysee. Maxaanu Faysal qabanaa? Wax miyir qababa isagaanu haynaaye Qumane. Dee Reerkeena ma maanta ayeynu isu sheegaynaa? Sawnigaa kuuba cadeeyey. Labada nin ee aan Sheegay miyaanad garanayn cida ay yihiin? Qallanbaawi. Dee adeer weli waad is ilowsantahay, oo wixii ay kugu soo yidhaahdeen kuwii wax kuu soo sheegi jiray ayaad aniga igu leedahay. Inagu laba nin oo isku Reer ah ayeynu ahaan jirnay Waddani ka hor. Inaga oo isku Reer ah ayeynu laba Xisbi kalla noqonay sida dadkuba yahay oo kale. Laakiin adiga waxaa lagaa dhaadhiciyey inaad Xisbigii ku abtirsato, oo hada hayb ayaabu kuu yahay. Aniga se Waddani iyo kuwa kale toona nooma noqon karaan Magac aan ku abtirsado. Adiguna igu khaldi kari maysid waxan aad soo dhab dhabteen iyo Khiyaamo muuqata oo aan caruurta loolla tagi karin. Waar hadii la idiin kulla yaabanyahay sidan aad u dhaqmaysaan, oo la idiin jawaabi waayey, Reerka ma Doqmo cid kale wax u yeedhin karto ayaad u haystaa? Qumane. Muslinyahaw islaameed bal eega ninkaas aan leeyahay aynu wada tashano. Adeer maxaan dhimay? Hadaan tallo kuu keenay. Qallambaawi. Hadaan ku idhaa Isaaq ayaanu nahay oo aan inta Xisbigayaga uun kaga jirta Reerka aan Sheegano Magaca Isaaq ka waran? Kuna shaqo tagno. Oo aanu ka boodno Magaca Al Turaabi iyo ka Garxajisba ? Qumane. Taasi dee waa waali case . Isaaq maxaa isugu jira ismaba yaqaanee? Qallanbaawi. Anigu taariikhda waan arkay sudeeda wiil isaaq wada socda oo samaystay Guurti Xiligii halganka lagu jiray. Taariikhda intaan Jiray iyo intaan Sheeko ku hayo maan maqal Gudi Garxajis oo qollo waliba dhankeeda soo xushay oo jirta ama hawl gashay. Xitaa Dagaalkii 1994 kiina ku dhahoo may dhicin. Qumane. Maanta ayey jirtaa oo weliba Gudoonkana inagu aynu leenahay iyo Gudida badankeedaba. Qallanbaawi. Wallee adna tallo kuma socotid oo been aad ogtahay ayaad naftaada u sheegaysaa. Sawirka aad is leedahay bixi oo dadka uga dhig in uu Al turaabi kugu la socdo kiis iska waalka mid kuu soconaaya maaha oo kuwa aad is leedahay sheekadaas ka iibi waa qaar ina yaqaana oo aan inaga fogayn. Qumane. Labeentii Reerka iyo aqoontii Reerkuba halkan ayey joogaan iyo wixii aynu Siyaasi lahaynba. Markaa yaa naga maqan ee aad ogtahay?  Qallanbaawi. Waar weli tan oo kalle yaa arkay ? Oo idinka ayaaba weli is mahadinaya oo Labeen iyo Burcad isku sheegaya miyaa? Anaguna Sallaatul Jinaasa ma ku tukataan ayaanu is leenahay nimankaa aanay xitaa saadanbe iyo Saakuni toona u muuqanin. Ee indho ku garaadla yaasha ah. Ileen intaa tallo xumi la dhacdeen ayaa markii danbena gacantiina isku dilaysaan oo Martin Madaxweyne idiin noqday. Wuxuu yidhi ninkii islaantiisu Sara jooga ku atixiyaadsatay "Heballaayooy maxaa la la fadhiisan" Hees uu qaadi jiray Digfeer oo uu ku tilmaamayey gabadh uu khatar cadiim u haystay oo ku noqotay sidii aanu isagu moodahayn ayuu lahaa........ " Burji iyo nasiib la,aay Barwaaqada ka cararraay. Abaartana u baydhaay Kheyrka Bello ka Jecelleey. Bello iyo Baaska jecelleey. Wuxuu dadku ka faani jirey. Iyadu u badheedhaay. Baaxad lagu Khasaaraay. Bir labtii aduunkee Al turaabi lagala soo baxo Beryo taan Beryo taan Beryo taan u haystaay. Umadaan mudada badan. Beenta uu Sheegaayiyo Beer laxawsigaagii. Ka bogsoodaye kow dheh Ka bogsoodaye kow dheh. Buugii sirtaadiyoo Boog taadii waan hellee. Kaagana baxee laba dheh Laba dheh. Kaagana baxee laba dheeh. Waar la hubsayoo gorrayo haad bay noqotay. Aqoonina iskuul (School) iyo Engineer noqon weyday. Dib la noogu harawsan maayo Carabta ayaan af aqaanaa iyo Markayka ayaa anoo Toon jooga taaarku iigu xidhan yahay. 

 La soco Qaybaha danbe.....? 
 Qalinkii Ibraahim (Xabbo)