Soomaliya:-Dalka Soomaaliya oo qarka u saaran macluul kale

0
Tuesday March 06, 2018 - 07:24:31 in by salman abdi
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Dalka Soomaaliya oo qarka u saaran macluul kale

    Diblomaasiyiin ayaa ku sii qulquleya magaalada London oo lagu wado in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani'aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblomaasiyiin ayaa ku sii qulquleya magaalada London oo lagu wado in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani'aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah.


Hay'adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii aan gargaar deg deg lala soo gaarin dadkaasi ay horssedi karta xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata.

''Bulshada Caalamka ayaa kal hore badbaadisay kumanaan kun oo qof oo ay soo food saartey abaar sanadkii hore, iyagoo sameeyey kahor tag inta aaney faraha kabixin xaaladdu'', ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay'adda.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacey abaar daran, halka sanadkanna dad gaaraya 2.7 million ay ku jireen xaalad deg dega, maadaama aaney helin quutul duruuriga maalinlaha ah.

 
Soomaaliya: Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul

Hey'addaha gargaarka ayaa doonaya in looggu yabooho $1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan.

Dal ay cunno taallo dadkiisuna macaluul u dhimanayaan

Caruur lagu qiyaasay 300,000 oo ay da'doodu kayar tahay shan sano jir, ayaa waxaa haysata macluul.

''Inkastoo ay jirto abaar, haddana waxaa dhanka kale jira amni darro taasoo xaaladda uga sii dartey. In ka badan 1.1 million oo qof ayaa guryahooda isaga cararey kadib markii uu saameeyey dagaalo ay keeneen macluusha iyo abaarta'' ayay tiri NRC.

Sanadkii 2016 waxaa jiray malaayiin qof oo dalka gudihiisa ku barakacday. Ilaa iyo hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa dalalka dersika ah qaxooti ku ah.