Hargeysa: Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Saddex Nin Oo Magaaladda Hargeysa Ku Samaynayay Baasaaboorka Soomaaliya

0
Wednesday March 07, 2018 - 16:28:17 in by salman abdi
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Saddex Nin Oo Magaaladda Hargeysa Ku Samaynayay Baasaaboorka Soomaaliya

    Ciidamda ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay Xabsiga u taxaabeen Saddex nin oo adeegayaal gudaha Magaalada Hargeysa uga shaqaynayey nin la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo u usoo Magacaabay Taliyaha Socdaalka Iyo jinsiyadaha u qaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamda ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay Xabsiga u taxaabeen Saddex nin oo adeegayaal gudaha Magaalada Hargeysa uga shaqaynayey nin la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo u usoo Magacaabay Taliyaha Socdaalka Iyo jinsiyadaha u qaabilsan Somaliland  Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga dhigay saddexdaa nin dabayaaqada bishii dhamaatay ee feberweri , kuwaas oo gudaha Magaalada Hargeysa si dhuumasho ah ugala shaqaynayey sarkaalka Madaxweyne Farmaajo ugu magacaaban u qaabilsanaha waaxda Socdaalka Somaliland, kuwaas oo hadda ku xidhan sida la sheegay xarunta dambi baadhista Hargeysa. Ninka uu Madaxweyne Farmaajo ugu Magacaaban inuu yahay madaxa la’aanta socdaalka iyo jinsiyaddaha Somaliland, ayaa waxa lagu magacaabo Cismaan Sheekh Maxamed Isaxaaq, kaasi oo la sheegay inay xigto dhow yihiin Madaxweyne Biixi.
Geesta kalena waxa la sheegay inuu Saddexdan nin ee Hargeysa ku xidhan uu ka mid yahay Khadar Xuseen Axmed oo madax ka ahaa xafiiska Sky Travel Agency oo ku yaalaa badhtamaha suuqa Hargeysa. Waxa kale oo xogaha warbaahintu heshay tibaxayaan inay raggan la xidhay ay si toos ah ugu sameyn jireen Hargeysa baasaboorka Soomaaliya oo si caadiya ah dadka Somaliland ay ugu socdaalaan dunida. Dhanka kalene ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo kasoo baxay laamaha aamaanka somaliland ilaa hadda marka laga yimaaddo xogahaasi.