Hargeisa:- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Maareeyaha Wadooyinka Oo Dagaal Gacanta Iskula Tagay Iyo Madaxtooyadda Oo Looga Yeedhay + Arimaha Ay Isku Hayaan.

0
Thursday March 08, 2018 - 12:38:56 in by salman abdi
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Maareeyaha Wadooyinka Oo Dagaal Gacanta Iskula Tagay Iyo Madaxtooyadda Oo Looga Yeedhay + Arimaha Ay Isku Hayaan.

    Hargeisa:- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Maareeyaha Wadooyinka Oo Dagaal Gacanta Iskula Tagay Iyo Madaxtooyadda Oo Looga Yeedhay + Arimaha Ay Isku Hayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Maareeyaha Wadooyinka Oo Dagaal Gacanta Iskula Tagay Iyo Madaxtooyadda Oo Looga Yeedhay + Arimaha Ay Isku Hayaan.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka SomalilandCabdilaahi Abokor iyo Mareeyaha Jidadka Wasaaraddaasi Cismaan SheekhCabdi Sheekh Maxamed oo dhawaan Madaxweynuhu magacaabay
Khilaafkaasi oo la sheegay inuu salka ku hayo arimo ku saabsan dhinaca
Awooda Maamulka iyo Wada Shaqaynta ka dhexaysa labadaasi masuul.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay inuu Khilaafkani
jiro islamarkaana shalay lagu kala guntaday kadib markii ay gacanta iskula
tageen,waxaanu sida lanoo sheegay uu ka abuurmay kadib markii ay labadani
Masuul isku fahmi wayeen qaabka shaqada iyo awooda maamul ee uu mid
waliba leeyahay halka ay ku egtahay,isagoo maareeyaha jidadka dhinaciisa uu
ku andacoonayo inuu Magacaabis Madaxweyne ku yimid islamarkaana aanu
Wasiirku u awood sheegan Karin. Wararkan ayaa intaasi ku daray in dooda
ugu badani ay ka imanaysa dhinaca Maareeyaha oo ku doodaya inuu isago
maamulo wixii jidad ah islamarkaana uu u madax banaan yahay,arintaasi oo uu
ganafka ku dhuftay Wasiirka Wasaraddaasi Cabdilaahi Abokor.
 
Mareeyaha Hay’adda Jidadka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horurinta jidadka
Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed ayaa maalin dhawayd waxa uu
xanibay dhamaan Akawnadii ay lacaguhu u yaaleen Hay’adda Jidadka isagoo
sida la sheegay daba socda Khilaafkan ka dhex aloosan isaga iyo
Wasiirkiisa,Waxaanu amar ku bixiyay inaan wax lacag ah laga saari Karin
Akawnadaasi illaa inta uu amar dambe ka soo baxayo Xafiiskiisa,arintaasi oo
khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor cirka ku sii
laayashay.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in dagaal
gacan ka hadal ahi uu shalay labadani masuul ku dhex maray Wasaaradda
dhexdeeda,balse ay ku kala guntadeen shaqaalaha Wasaaraddu islamarkaana
markii dambe Labadoodaba looga yeedhay Madaxtooyadda. Wararkan ayaa
intaasi u daray inay saacado badan shalay ku maqnaayeen Madaxtooyadda
islamarkaana ay Madaxtooyaddu ku hawlan tahay inay xal rasmi ah ka gaadho
khilaafkan oo la sheegay inuu todobaadadii u dambeeyay soo jiitamayay oo uu
ku ekaan uun xafiisyada Wasaaradda gudaheeda.