Manchester United Oo Jamaahiirteeda Ka Madnuucday Inay Old Trafford Usoo Qaataan IPadka iyo Tabletka

0
Tuesday August 12, 2014 - 08:19:51 in by salman abdi
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Jamaahiirteeda Ka Madnuucday Inay Old Trafford Usoo Qaataan IPadka iyo Tabletka

    Kooxda Man united ayaa jamaahiirteeda ka madnuucday inay xili ciyaareedka cusub garoonka u soo qaataan aaladaha ay ka midka yihiin Ipadka iyo Tabletku.Waxaa soo kordhaysay in taageerayaashu Ipadka iyo Tabletka ku duubtaan waxyabaha garoonka ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man united ayaa jamaahiirteeda ka madnuucday inay xili ciyaareedka cusub garoonka u soo qaataan aaladaha ay ka midka yihiin Ipadka iyo Tabletku.Waxaa soo kordhaysay in taageerayaashu Ipadka iyo Tabletka ku duubtaan waxyabaha garoonka ka socda. Jamaahiirta ayaa u adeegsan karta inay ciyaarta oo dhan ku diiban karaan.


Jamaahiirta Man united ee ka soo qayb galaysa kulanka Man united iyo Valencia ee talaadada ka dhici doona Old Traffird ayaa loo diray fariimo Email ah taas oo loogu sheegayo sharciga cusub.

Fariinta jamaahiirta united loo diray ayaa lagu yidhi:” Waxaan doonaynaa inaan idin ogaysiino siyaasada cusub ee kooxda ee ku aadan kulamada aan Old Trafford ku ciyaarayno. Taagerayaashu ma soo qaadan karaan aaladaha waa wayn ee Electronicga ah kuwaas oo ka wayn 150mmX100mm. kuwaas oo aan loo soo qaadan karin garoonka dhexdiisa”.


 

"Tusaale ahaan Ipadska, Tabletska intaa ka yar lama mamnuucin, waxaa sidoo kale la soo qaadan karaa Laptopska. Fadalan waxaad si doo kale ogaataan inaan la soo qaadan karin, Kamaradaha waa wayn iyo caagadaha biyaha ee waa wayn. Waad ku mahadsan tihiin sida aad noola shaqaysaan”.

Sanadkii 2010 ayay kooxda New York Yankees jamaahiirteeda ka mamnuucday Ipadska inay la yimaadaan garoonka ciyaarta balse laba sano kadib ayay dib uga noqdeen.


Markasta Kale Saco Shabakada Afkashacabka Kale Saco Wararka Adunka Dhaca iyo Ciyaraha Dunida