Ha dayicin Ubadka Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

0
Tuesday August 12, 2014 - 14:17:39 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha dayicin Ubadka Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

    Marka laga hadlaayo ubadka ama carruurta, maaha in laga hadlaayo wax sahlan waayo, ubadku waa qaali, waana hadyad uu illahay ku siiyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka laga hadlaayo ubadka ama carruurta, maaha in laga hadlaayo wax sahlan waayo, ubadku waa qaali, waana hadyad uu illahay ku siiyo,

 waxaana haboon in, inaad illahay {SWT} ugu mahad naqdo, wixii uu illahay ku siiyay, haday tahay gabadh iyo hadii uu yahay wiil, waxaa jira dad badan, oo aan illahay ugu xamdiyin, deeqda uu siiyo, waxaa jira dad badan, oo yidhaa maxaan wiil u dhaliwaayay ama maxaan gabadh u dhaliwaayay, waxaaas oo kale maaha wax, lagu hadlo waayo waxaad ku gafaysaa illahay, hadaba maanta waxaa jira dad badan, oo an dayactirin ubadka, hadii uu illahay ku siiyay ubad, waana inaad illaashataa ubadka oo aad ka illaaliso hadimada, maaha inaad afka ka tidhaa waxaan leeyahay ubad, baryahan dambe waxaa inagu soo badanaya, carruurta meelahaa lagu tuuro, iyo dadka oo iska dhayal sada carruurta, ma oga in ay ubadku yihiin lafdhabarta nolosha, waxaad meelahaa suuqyada ku arkeysa carruur, iska dhiban oo xataa aan garaneyn cida dhashay iyo cida ay yihiin, Ayaan waa gabadh yar oo ka mida carruurta ku nool meelaha suuqyada, iyada oo yar ayay ku soo dhex barbaartay meelaha suuqyada, markii ay xoogaa leekaatay waxay ogaatay in ayna ku amaan helayn, meelahan ay ku nooshay, waxayna tacadi kala kulmi jirtay dadka ay ku dhex nooshay, ,waxaa loo gaysan jiray bahdil aad u xun, markii ay aragtay in ayna ku amaan helayn sidan, Ayaan waxay go’aan ku gaadhay, in ay isu eekaysiiso, inamada ama wiilasha iyagu ka shaqaysta wadooyinka, waxay maydhi jirtay, Baabuurta iyada oo kabahana baalashayn jirtay, Ayaan waxay xiiran jirtay timaha iyada oo xataa goyn jirtay Dhinacyada, si loo moodo in ay tahay wiil, waxay sidaa ahaataba meelihii ay seexan jirtay oo ahaa gidaarada, waxay kala kulantay, tacadi badan oo ay ka mid yihiin , kufsiga iyo jidh dil loo gaysto, Ayaan iyada oo la ildaran sdii ay uga gudbi lahayd xaaladan cakiran ee haysata, si kastaba ha ahaatee inantii yareyd nin ka mida dadkii ay u maydhi jirtay baabuurta ayaa ka codsaday in ay ku noolaato, gurigiisa, Ayaan waxay ogaatay in ay halkan ku helayso amaan, mudo badan markii ay ku noolayd Gurigii ninka ka mid ahaa macaamiisheedii ay u maydhi jirtay gawaadhida, ugu dambayntii Ayaan waxay la kulantay in uu si kadisa ugu dhaco, cudurka loo yaqaano, HIV}aydhis waxayna ka kulantay wixii ay ka baqan jirtay, waxaas oo dhanna waxaa ugu wacan waalidkii dhalay ilmaha, waayo aduunyada ma jiro ilmo, aan la dhalin ilmana cirka kama soo dhaco ilmana dhulka lagama helo, hadal iyo dhamaan, hala ogaado ubadka hana laga taxadiro, dhibka loo gaysanaayo, ubadka waad mahadsantiin


Qalinkii Nimco Baashe Cabdi