Meherkii Qarniga oo Maanta ka dhacay Hargysa iyo Weriy Cabdirashiid Caynte oo loo Guuriyey Marwadiisa Yasmin adan jama

0
Wednesday August 13, 2014 - 00:46:14 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meherkii Qarniga oo Maanta ka dhacay Hargysa iyo Weriy Cabdirashiid Caynte oo loo Guuriyey Marwadiisa Yasmin adan jama

    Waxaa Maanta Hotel MAANSOOR ee Magaalada Hargaysa Meherkoodu ka Dhacay Boqorka iyo Boqorada Lamaanaha Idil gayaankood iska doortay Suxufi C/rashiid Ismaciil Cabdi (Caynte) iyo Yaasmiin Aadan Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta Hotel MAANSOOR ee Magaalada Hargaysa Meherkoodu ka Dhacay Boqorka iyo Boqorada Lamaanaha Idil gayaankood iska doortay Suxufi C/rashiid Ismaciil Cabdi (Caynte) iyo Yaasmiin Aadan Jaamac


Munaasibadii Meherka lamaanaha Da’da yar ayaa ahaa Mid si heer sare ah loo soo Agaasimay oo Maqaamkeedu sareeyo isla markaana Kulmisay Siyaasiyiin siweyn looga yaqaano Dalka, Masuuliyiin ka kala socota Golayaasha Guurtida iyo Baarlamanka Wasiir, Salaadiin, Qurbajoog, Asxaabta Mucaaridka ah iyo Dhamaanba Haldoorka iyo Koofiyada laba Dhinac.
Gudomiyaha Baarlamaanka, Wasiir Xigeenka Warfaafinta Musharaxa Jagadda Madaxweyne Nimo Ee Xisbiga UCID Suldaan Xiiray, Agaasimaha HCTV Iyo Masuuliyiin kale ayaa halkaasi ka hadlay Kaftan dabadeedna amaan iyo Ducoba Dhankooda Uxambaariyay lamaanaha Is Doortay.

Waxaana Madashaas Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey Wiilka iyo Gabdha iska Xushay Gayaankoodba Idilkii waa Mudane C/rashiid Ismaciil Cabdi (Caynte) iyo Yaasmiin Aadan Jaamac.

Si milgo lehna waxaa Madashaasi oo ahayd mid laysku arkay Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.

Waxaana Dhamaan Ehelada Qoyska Cusub Madaxda iyo Masuuliyiintii Madashu kulmisay ay si siman ugu Hambalyeeyeen Qoyska sidoo kale waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadheen Hadafkooda Nololeed