Ingiriiska:-Raysal Wasaaraha Brtian iyo Madaxwayne Trump oo Si Wadajir Ah uga Jawaabi Doona Weerarkii Kimikada Suuriya.

0
Wednesday April 11, 2018 - 11:37:58 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska:-Raysal Wasaaraha Brtian iyo Madaxwayne Trump oo Si Wadajir Ah uga Jawaabi Doona Weerarkii Kimikada Suuriya.

    Madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku heshiiyay in laga jawaabo weerar ka dhacay magaalada Duuma ee dalka Suuriya oo sida la sheegay loo adeegsaday hubka kiimikada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku heshiiyay in laga jawaabo weerar ka dhacay magaalada Duuma ee dalka Suuriya oo sida la sheegay loo adeegsaday hubka kiimikada.


Labadan hoggaamiye iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka baaraan degaya suurtagalnimada in tallaabo milatari laga qaado dowladda Suuriya.


Madaxweyne Trump iyo xoghayihiisa gaashaan-dhigga James Mattis ayaa arrinta Suuriya awgeed uga baaqday safar u qorsheysnaa dhammaadka toddobaadkan.

Xarunta Qaramada Midoobeyna waxaa ka soconaya dedaallo diblomaasiyadeed oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan waddamada Ruushka iyo Mareykanka, kuwaas oo looga gol-leeyahay sidii loo baari lahaa dhacdadaasi.

Baarayaal caalami ah ayaa sheegaya in ay aadayaan dhanka magaalada Duuma ee dalka Suuriya si ay u soo ogaadaan xaqiiqda jirta