Tababare Jose Mourinho ayaa si dadban digniin ugu diray xidigahiisa Marcus Rashford iyo Anthony Martial isagoo u sheegay ineysan mar walba heli doonin boos joogto ah isla markaana dhibka uu ka jiro koox walba.

Labadaan xidig ee dhanka weerarka ayaa maalmahii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay mustaqbalkooda iyadoo saxaafadda qaar ay qoreen in labaduba ay kooxda ka tagi doonaan hadii Jose Mourinho uu ku adkeysto go’aanka iyaga ka dhanka ah.

Rashford wuxuu kaliya kusoo bilowday 30-ka mid ah 70-kulan oo uu Jose Mourinho si weyn u maamulayay kooxda Man United kulaamda Premier Leugue, sidoo kalana Martial ma dhameysan 90-daqiiqo tan iyo bishii February.

"Waa kaliya kubadda cagta, kaliya ma heysano 11-ciyaartoy” ayuu yiri Mourinho.

"Waxey ahaan laheyd wax cajiib ah xitaa ka dhaqaale ahaan in kooxda ay heysato 11-xidig iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah, ganaaxyo ah ama daal ah”

"Qof walba ayey u fiicnaan laheyd inuu heysto 11 sidaas ah, balse macquul maahan, koox walba oo ka ciyaarta heer walba oo kooxaha darajada sare ka tirsan waxey u baahan tahay wax ka badan 11-xidig, balse kaliiya 11 ayaad kusoo bilaabi kartaa, mana jiraan wax aan sameyn karo”

"Kaliya 11 ayaa kusoo bilaabaneysa, isla su’aasha aad aniga i weydiineyso, waxaad weydiisaa macalin walba oo kale, sababtoo ah mid walba oo ka mid ah wuxuu heystaa ciyaartoy xaaladaan oo kale ku jirta”

SHARES1

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

 

Sii Akhri Wararka Kale Ee Maanta
RASMI: Bayern Munich Oo Ku Dhawaaqday Macalinka Sida Rasmiga Ah Ula Wareegi Doona Shaqada Kooxda.

Bayern Munich ayaa xaqiijisay inNiko Kovac uu la wareegi doono hogaanka kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan isagoo badal fiican u noqon doona tababarahii shaqada...

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez Oo Saadaaliyay Iney La Ciyaari Doonaan Bayern Munich & Marca Oo Shaacisay Waqtiga Ay Aheyd.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Bayern Munich laba kulan oo ka tirsan wareega Semi Final-ka Champions League sida lagu ogaaday isku aadkii maanta lagu sameeyay Nyon oo...

RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Bisha Maarso Ee Horyaalka Premier League.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa la siiyay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League bishii Maarso kadib markii uu kooxdiisa ka caawiyay iney hormar...

Xiriirka Qaaradda Yurub Ee UEFA Oo Go’aan Ka Gaaray Hadii Sergio Ramos La Ganaaxi Doono Kulamada Semi Final-ka.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa maqlay war farxad leh kadib markii UEFA ay go’aan ku qaadaay ineysan ciqaabin Sergio Ramos oo isagoo ganaaxan soo istaagay kursiga keydka kooxdiisa...

RASMI: Bayern vs Real Madrid – Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka (Semi Final) Champions League Oo La Sameeyay.

Isku aadka Champions League ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo culus oo horay loo saadaalinayay, Real Madrid ayaana mari doonta tijaabado kale oo culus isla markaana...