Bayern Munich ayaa xaqiijisay inNiko Kovac uu la wareegi doono hogaanka kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan isagoo badal fiican u noqon doona tababarahii shaqada horay looga ceyriyay ee Carlo Ancelotti.
Jupp Heynckess ayaa ka ogolaaday kooxda Bayern Munich inuu xilli ciyaareedka inta ka dhiman maamulo walow uu goor hore hawlgabay, balse haatan 46-jirka reer Croatia ayaa la wareegi doona hogaanka kooxda faca weyn ee Bavaria.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan xaqiijinay adeeggaNiko si uu u noqdo tababaraha kooxda koowaad” ayuu yiri agaasimaha ciyaaraha kooxdaHasan Salihamidzic.
"Niko wuxuu u ciyaaray kooxda, wuu yaqaanaa dadka maamula, qaabka iyo dhiigga kooxdaba” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
"Waxaan kalsooni ku qabnaa inuu yahay macalinka ku haboon mustaqbalka Bayern Munich”
Niko Kovacwuxuu ku dhashay magaalada Berlin balse waxaa iska dhalay laba waalid oo Croatia kasoo jeeda wuxuuna aad u yaqaanaa dhaqanka iyo dabeecadaha gobolka Bavaria iyo kooxda Bayern Munich.
Macalinkaan hadda wuxuu maamulaa kooxdaEintracht Frankfurtisagoo qalinka ku duugay heshiis sadex sanadood ah.
Waanu soo dhawaynanaa macalin niko