Burao Public Library iyo Naadiga Halkaraan WQ: Mustafe Shaybe

0
Tuesday August 19, 2014 - 10:04:26 in by Super Admin
  • Visits: 1392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burao Public Library iyo Naadiga Halkaraan WQ: Mustafe Shaybe

    Wakhti waliba waayihiisa iyois badalkiisa ayuu lee yahay , Aadamuhuna maalinba Talaabo ayuu Hore u qadayaa oo waxa uu ku sii siqayaa dhanka Horumarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhti waliba waayihiisa iyois badalkiisa ayuu lee yahay , Aadamuhuna maalinba Talaabo ayuu Hore u qadayaa oo waxa uu ku sii siqayaa dhanka Horumarka.

Intii aan garaadsaday weli maan ku arkinMagalada aan ku noolahay Meel dhalinyaro is kugu timaado oo wax lagu akhristo, Aqoona lagu kala kororsado. Marka Ilahay faraj khayr qaba kuu furaayo meel fog lagaaga dooni mayee, meesha kugu dhaw ayaa lagaga soo qabanayaa IntaasiAraar hayga ahaato.

Sanadku waa01/01/2009waxaa magaladaan ku nolahay ee Burco lagaga dhawaqayNaadiga AkhriskaIyo Qoraalka EeHalkaran Readers ClubNaadigaasiwaxa uu ka Boobnaa oo iba furay xubno dhalinyarada oo ka so jeeda gobolka Tog-dheer Xubanaha Lgu Bilabay Tiradoodu waxay dhamayd 7xubnod . U jeedad iyo Qasdiga loo sameeyay naadigan ayaa ahaa inuu ka shaqeeyo Horumarinta akhriska iyo Dhiiri gelinta Qoraalka. Dagaal Hor lehna lagalo Wax Akhris la,aanta ku habsatay dhalinyarada Gobolka Tog-dheer.

Naadigaa ay ku bahoobeen Xubnaha dhalinyarada ahi markii uu Halsano Jirsaday wuxuu Hindisay ooU kuurgalay sidii uu Gobolka Togdher gaar ahaan magalada Burco uga Hirgelin lahaa MeelMagtabadaoo wax lagu akhristokuna Kulmaan dhalinyarada Magalada Burco.

Aas-Aaskii Maktabadii Ugu Horaysay ee Gobolka Togdheer.

Naadiga Dhiiri gelinta Akhriska iyo Qoraalka EeHalkaraan Readers Club waxay ku Baraarugeen sida ay Magalada Burco oo ah Goob Ku caana Aqoonta iyo xadaarada Qalinka kana soo jeedaan Dad badan oo Aqoon yahano ah Sida Aabihii Aqonta Somaliyeed EeMaxamuud Axmed Aliay ugu bahan tahay Goob wax akhris oo ay ku kulmaan dhalinyarada Magaladu kana Kororsadaan Cilmi iyo Aqoon.Naadigu wuxuu ku guulaystay markay Taariikhdu ahayd15 / 08 /2010 inu magalada Burco ka Hirgeliyo Magtabad wax akhris oo ay ku kulmaan Mujtamaca Magalada Burco iyadoon wax lacaga cidi ka qadayn oo ay ku akhrisanayaan Lacag la,aan.

Buugta magtabataa lgu iba furaywaxay dhamayen 170 Book oo ay keenen qorayaasha reer Somaliland balse Xubin Kasta Oo Naadiga ku jirta waxa lagu xukumay inay kento Book, maadaama buugtu iska yaalaan guryaha oo anay cidi akhriyin si Magtabada loo dhigo oo looga faa,iidaysto. Wakhtigaa lagaBilaabo xubin walababa waxay bilawday Inaykeento wixii Book ay keeni karayay si loo camiro Magtabada.

Waxaa xusid mudan Koraasida wax lagu akhrisanayay laf tooda waxaa lagu xukumay xubnaha naadiga inay keenan oo qof walbaba hal kursi keeno si ay ugu fadhiistaan dhalinyarada soo Booqonaysa Magtabadu. Tasi waxay dhiiri gelin iyo fir-fircooni gelisayxubnihii naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Halkaraan Readers Club. Waxaan marnaba la ilaabi KarinGudida Horumarinta Gobolka Tog-dheerOo iyaguna naadiga Ugu Deeqay10kursioo la dhigay magtabada si ku meel gaadha inta magtbada loo samaynayo Kuraasi ay iska lee dahay.

Magtabadu Goobta ay ahayd may ahayn meel Bilaa lacaga balse waxay ahayd Goob Kiro u jogaoo cid gaari iska lee dahay , Aqalka ay ku jirtay Magtabadu waxaa lacagtiisa Kirada ah Bixin jiray XubanahaNaadiga Akhriska Ee HalkaraanOo Iyagu u badheedhay inay Dhabarka u Ritaan wax kastoo kaga yimaada iyo Dhib kasto kaHoryimaadaba.

Waxaa wax ilahay loogu shukri naqo ah inay magatabdii nooqtay Goob Aqoon Kororsi oo Daafaha Dalka oo dhan laga wada ogaado,dhalinyarada iyo Mujtamaca magaalada burcana meel kastooy ka joogaan magalada ay galabtii saf u soo galaan sidii ayuga faa,iidaysan lahayeen magtabada Bilaashka ah ah. Heer waxay gaadheen dhalinyarta ku xidhanMagtabadu ahdii Amintii la furijiray ay dib uga yara dhacdo qof wlabab uu Haab-haabto Talefoonka isaga oo la hadalaya xubinta uu ka yaqaano Halkaraanwaydiinayna Galabata Miyaan la Furayn Magtabadii.

Aniga oo ahShakhsiga Diriayay Qoraalkan Magacayguna Yahay Mustafa Haji Ahmed Haji DeriaCid iiga dhuundooshaana ayna jirin shaqada matabada maadama aan Sanad ahaa Gudmiye ku Xigeenka Maktabada Halka aan Sanadna ahaa Gudoomiyaha Magtabada Gacanta Ku hayay.

Marki aan Alabaabada u furanay Maktabada Mujtamaca badankoodu way nala yabanaayeen oo waxay is waydiinayeen kuwani ma wax kale oo ay ka shaqeeyaan ayay garan wayeen, Su,alaha ugu badan ee lana waydiin jiray waxay ahaayeen waxan yaa idinku maalgeliya, yaad ushaqaysan. Maxaad ka fa,iidaan Iwm .

Maalmihii ugu horaysay ee anu Furnay Magtabada dadka soo gala waxay ahayeen dad koban oo aan ka badnayn 10 Ruux , waxaa wax alle logu mahad noqo ah mudo yar ka dib inay dadkii lana fahmeen hawsha aanu ahaynaainay tahay hawl Qaran oo Loo Baahnaa inay Qabato Dawlad Dhexe ee Dalku. Maalmo ka dib Heer magtabadii waxay gaadhay in aanu wayno Kuraasi ay dadki kukala Fadhiistaan oo qaarkood iskaba Fadhiistaan dhulka ,halka kuwo kale ay istaaga mudo laba saacood ah wax ku akhristaan.

Magtabada Akhris EeBurao Public Librarywaxay soo martay Marxalado aad u badan oo ay hadheeyeen wakhtiyada qaar kood Dhaqaalo daro baahsani. Anigu waxaan ka tagay magtaabada sanadkii 2012kiiiayada oo foran oo shaqaysa hawlaaha aduunka ayaana iga tanbatay oo iga kaxeyay, lkn Mudo ka dib waxan ku war helay inay xidhan tahay magatabadii oo albaabada lays kugu dhuftay waxa sababayba. Waxaaa iyana xusid mudan inuu nadigu hawlihisi kale ee ahaa Bandhiga Buugaagta Inuu siiwatay oo ay halkoodii ka sii socdeen oo ayna is taagin.

Is badal iyo Xubno xusub oo hor leh ayna ku jirto Dar dar cusub iyoFir-fircoonidheeraadaayaaku soo biiray Xubnihii Naadiga oo la wareegay in kastoo Xubnihii Qadiimiga ahaa ay weli dhawr Xubnod ka sii joogaan kuna Jiraan Hawlaha Naadiga Sida ahaan Yara Xuso1.Eng Daahir Cali Ibrahim , 2.Sahara Maxamed Cali (S. Ladan),3.Nasra Kayse Haji Diiriyeiyo Anigoo Dib ka soo laba kaclee yahay Mar labaadna Cugtay.

Waxaa wax alle loogu mahad noqo ah inay xubnaha Naadigu ku guulaysteen inay mar labaad iyowakhtiga ay Hirgeliyaan Furaana magtabadii oo in mudo ah Alabaada layskugu laabay, waxay Hirgashay in marlabaad la furo10/05/ 2014waana wax aad loogu farxo oo in badan looga mahad naqo cid kastoo lug ku lahayd furitaanka marka labad ee magtabada magalada Burco EeBurao Public LibraryGaar ahaan Xubnaha Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka EeHalkaran Readers Clubiyo cid Kastoo gacan ka gaysatayba.

Waxaana xusid mudan marlabaadka ay furantahay magtabadaBurao Public Libraryinuu Naadiga Hakaraan Gudoomiye ka yahay Saaxiibkay Abwan Ibraahim Cabdi Xirsi oo ah shaqsiga aan odhan karola,antii may furanteen magtabadu aad iyo aadna waan ugu mahad naqayaa Abwanka sida Xilkasnimada leh ee uu uga soo baxay shaqadaqaa Qiimaha leh waxanan filayaa in badan inay xusi doontu taariikhdu.

Burao Public Librarywaxuu soo maraymarxaladahaa kala duwan ee aadka u dhibta badan balse waxaawaxaas oo dhan lagu ilabayaa faa,iidadalaga hayo iyo sida looga kororsday aqoon aan xad lahayn, manta waxaa Yalaa inka badan2500oo Book waxa intas sii dher inta ugu jirta store-ka ee u kaydka ugu taala,ilaa maantana waxaa ku xidhan Dhalinyaro iyo Aqoonyahan aad u badan oo ka faa,iidaysta Aqoonta taalaBurao Public Libraryoo hada nooc walababa oo aqoonta ah Is kugu jirta.Waxa aan aad kugu farxsanahy in wali u jiiro jacalkii iyo xiisihi xubnaha halkraan u hayeen inay ka midho dhaliyaan himaladooda iyo hankooda, waxayna ku guulaysateen wax badan oo ka mida waxay qaban kari wayday ama ay iska indho tireen dadkii looga fadhiyay inay qabtaan ee xaqa u lahaa…….




ØQ:-MustafaHajiAhmed Dirie (Mustafa sheybe)

Ø onkod1990@gmail.com

ØBurao Tog-dheer

ØBurao Univesity