Caalamka:-Wariyihii kabaha ku tuuray Bush oo doorasho u tartamaya

0
Friday May 04, 2018 - 11:07:58 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Wariyihii kabaha ku tuuray Bush oo doorasho u tartamaya

    Caalamka:-Wariyihii kabaha ku tuuray Bush oo doorasho u tartamayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Wariyihii kabaha ku tuuray Bush oo doorasho u tartamayaa

Wariyihii reer Ciraaq ee kabaha ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush ayaa u tartamaya mid kamid ah kuraasta baarlamaanka dalka Ciraaq.

Muntader Al-Zaidi oo ku taagan xisbiga isbaddallo-doonka ee Saeroun ayaa kamid ah musharraxiin uu taageero waddadka Muqtada Sadr.

Muntader wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Ciraaq ka ciribtiro musuqa oo dalkaasi ragaadiyay.

Wariye Muntader ayaa sanadkii 2008-dii kabahiisa ku tuuray madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush xilli uu booqasho ku joogay dalkaasi.

Dadweynaha reer Ciraaq ayaa Muntader uu aqoonsaday halyeey weeraray hoggaamiye shisheeye.

Wuxuu xabsi ku jiray 12 billood, markii lasoo daayayna,waxaa la sheegay in saraakiisha ammaanka ay jirdil u gaysteen.

Zaidi oo wariye ka ahaan jiray telefishinka Al-Baqdaadiyah, xilliggii uu weerar gaysanayay waxaa shir jaraa'id magaalada Baqdaad ku qabanayay ra'iisul wasirihii hore ee Ciraaq Nuuri Al-Maaliki iyo Bush.

Wuxuuna ku qaylinayay " tani waa sagootin kaga timid dadweynaha Ciraaq oo ay kamid yihiin agoonta iyo dadkii lagu laayay dagaallada Ciraaq"

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDadka carabta intooda badan waxay ka caroodeen in la xiro Muntader Al-Zaidi kaddib markii uu Bush ku tuuray kabahiisa

Markii uu xoriyaddiisa dib u helay Muntader Al-Zaidi wuxuu ka tagey shaqada warbaahinta, wuxuuna aaday qaaradda Yurub halkaaso uu ka aasaasay ha'yad gargaar oo taakulayso dhibanayaasha dagaallada Ciraaq.

Wuxuu wacad ku maray in haddii la doorto 12-ka bishan May inuu la dagaallami doono musuq maasuqa islamarkaasna uu maxkamadayn doono dadka ku takrifalayo lacagta dadweynaha.

24 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan doorsahadani, Kuraasta baarlamaanka ee lagu loolamayo ayaa gaaraya 328, 46 kuraasta baarlamanka kamid ah waxaa iska leh Kuddiyiinta halka hal meel afartiiba loo qondeeyay haweenka.

Doorashadan toddobaadka dambe dhacayso ayaa ah tii ugu horreysay ee dalkaasi laga qabto illa xilliggii dowladda Ciraaq ay shaaca ka qaaday in dhulal badan ay kala wareegtay kooxda IS bishii Disembar.