Lubnaan:-Hoggaamiyaha Xisbullaah Oo Guul Ka Sheegtay Doorashada Lubnaan

0
Tuesday May 08, 2018 - 09:21:56 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lubnaan:-Hoggaamiyaha Xisbullaah Oo Guul Ka Sheegtay Doorashada Lubnaan

    Hogaamiyaha Xisbullaah ayaa sheegay in malayshiyada Shiicada ah ee Iiraan taageerto iyo xulafadoodu ay "guul" ka gaareen doorashadii baarlamaan ee u horraysay ee Lubnaan ka dhacda tan iyo 2009kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Xisbullaah ayaa sheegay in malayshiyada Shiicada ah ee Iiraan taageerto iyo xulafadoodu ay "guul" ka gaareen doorashadii baarlamaan ee u horraysay ee Lubnaan ka dhacda tan iyo 2009kii.


Inkastoo aan lagu dhawaaqin natiijada dhabta ah, haddana Xasan Nasrullaah ayaa sheegay in guusha ay gaareen ay ka dhigantahay in ay sii jirayso halganka ka dhanka ah Israa’iil.

Sacad al Xariiri oo ah ra’iisulwasaare Suni ah oo ay reer Galbeedku taageersan yihiin ayaa sheegay in xisbigiisa Xarakatul Mustaqbal uu lumiyay saddex meelood meel ka mid ah xubnahoodii xildhibaannada.

Wali waxaa la filayaa in Xariiri la waydiisan doono in uu soo dhiso dawlad wadaag ah.

Laakiin dadka falanqeeya siyaasadda dalkaas waxay sheegayaan in uu noqon doono mid tabar daran oo aan xataa yeelan doonin saamayntii uu ku lahaan jiray Xisbullaah.

Hannaanka awood qaybsiga ayaa ah in Sunniyiintu ay ra’iisulwasaare noqdaan, Shiicaduna gudoomiyaha baarlamaanka, Kiristaankuna ay madaxweyne noqdaan.

Nasrallaah oo khudbad telefeshinnada laga baahiyay jeediyay maalin uun ka dib markii ay doorashu dhacday ayaa sheegay "in guushani ay tahay halgan ilaalinaya madaxbannaanida dalka”.