Soomaliya:-Shirkadda Gawaadhida Ee TOYOTA Oo 27 Sanno Ka Dib Xafiis Ka Furatay Soomaaliya

0
Tuesday May 08, 2018 - 09:30:18 in by salman abdi
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Shirkadda Gawaadhida Ee TOYOTA Oo 27 Sanno Ka Dib Xafiis Ka Furatay Soomaaliya

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xadhiga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlada dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xadhiga ka jaray Xafiiskan Shirkada TOYOTA ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qayb ka tahay maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.



"Dowladda Siyaasaddeedu waa kobcinta dhaqaalaha marka TOYOTA oo kaliya ma’ ahan kambaniyo badan oo waaweyn ayaa qadka ku soo jira, waxaan ku rajo weynahay wax soo saarka Soomaaliya in suuqyo badan la geeyo iyo wadamada Dariska ah” ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Xafiiska TOYOTA uusan ku ekaan doonin Muqdisho balse uu gaari doono Dhammaan Gobollada Dalka, waxuuna tilmaamay in Gaadiidka ugu badan ee dalka laga isticmaalo uu yahay kuwa ay soo saarto shirkadda TOYOTA , waxaana lagu soo gadan jiray buu yidhi si aad u liidato, iyadoo uu sheegay in ay soo mari jireen ilaa seddex gacan, sida iyadoo Japan lagu soo isticmaalay, hadana Imaaraadka lagu soo isticmaalay, uu ugu dambeyn dalku imaan jiray balse hadda waa ay ka badalantahay oo waxaa la heli doonaa iyagoo cusub ayuu shaaciyay Wasiir Maareeye.

Ugu dambeyntii Wasiirku waxaa uu sheegay in ay wadaan in alaabaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka halka maanta Soomaaliya wax loo soo iibgeeyo.