Siyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay Qalinkii C/raxmaan Colaad Cumar

0
Thursday August 21, 2014 - 08:10:53 in by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Dar-jiidhay Oo Diinta Meel Kaga Dhacay Qalinkii C/raxmaan Colaad Cumar

    maalmihii lasoo dhaafay waxa aad loga hadlayeyMagalada Hargeisa Qoraal taxxane ah oo uu qoray Maxamed C/ da'uud oo ahaa Badhasaabkii Hore ee Gobalka Maroodi-jeex waxa uu ciwaan uga dhigay Heesa iyo Muusigu maxaaraanbaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maalmihii lasoo dhaafay waxa aad loga hadlayeyMagalada Hargeisa Qoraal taxxane ah oo uu qoray Maxamed C/ da'uud oo ahaa Badhasaabkii Hore ee Gobalka Maroodi-jeex waxa uu ciwaan uga dhigay Heesa iyo Muusigu maxaaraanbaa?


 

Isaga ayaa ka jawaabay waxa lakiin layaab noqotay inuu si cad u inkiro Nas iyo daliil kasta oo diinta ku sugan waxana hadaladiisii ka mid aha "majiro hal Aayad ama Xadiis xarantinimaynaya Muusiga iyo Heesaha)isaga oo Alle SWT Quraanka ku leh Suratul (Luqmaan)Ayada 5aad.
"dadka waxaa ka mida qaar iibsanaya gadanaya sheeko mideeda laysku mashquuliyo,wakhtiga laysku dhaafiyo maaweelo ah iyagga oo aan cilmi ulahayn , waxanay ka dhigganayaan jees jees waxanay leeyihiin kuwaasi cadaab dulleeya).waxaa saa ku fasiray asaxaab bada nsida Turjumaannun Qur’aan C/laahi ibunu Cabaas oo Nabigu SCW ugu duceeyeyin Alle Kitaabkiisa fahansiiyo Fasirkiisanabaro. 

Waxana Xadiiska saxeexinaya Cullimo badan sida Imaamu Bukhaari uu ku sheegayo Kitaabkiisa Fii adabulMufrad, Ibinu Shayba,Ibinu Jariir Adabari . Waxa kale oo ka suganC/laahi Ibinu Mascuud oo Nabigu Scw yidhi qofkii doonaya Quraanka inuu u akhriyo sidii uu ku soodegay ha qaato qira’adaC/laahi Ibinu Mascuud waxanuuu ku dhaartaysaddex jeer C/laahi Ibinu Mascuud in Ayadaasi ku soo degtaya Heesaha. Waxana Xadiiskaa saxeexinaya Culimo badan sida Ibinu Qayim, Ibinu Shayba,Waxa kale oo ka sugan Cikrima Mawla ibinu Cabaasoo ka mida ardaydii saxaabada inuu Ayadaa ku fasiray Heesaha. Waxa uu leeyahayImaamu WaaxidiCulumada Tafsiirka badan kooduwaxay Ayadaasi ku FasireenHeesah su’aasha iswaydiin tale waxay tahay haddii Tafsiirkii Asxaabta, ardaydoodii iyo Salafkiisaa yahay mawaxaynu qaadannaawadaad manta jooga Tafsiirkiisa.? su’aashu waaMayamaxaa yeelay Alle waxa uu ku amaanay Asaxaabta fahanka diinta iyo Manhaj kooda. waxa kale Alle Quraanka Suratul(Albaqra)Ayadda136aad. Alleku leeyahay. "sidaad wax u rumayseen haday u rumeeyaan way hanuuneensi ka duwan haday u qaataan u way idin khilaafeen.”Sidoo kale Nabiguna SCW waxa uu xadiis saxeexa ku leeyahay "Umadayda waxaa ka mid noqon doona oo aakhiru samaanka iman doona qaar xalashada Sinada, Xariirta,Heesah iyo Muusiga.”markale waxalaga warinayaa Anas Ibinu Maalik inuu NabiguSCW yidhi laba cod ama laba sawdoo dhegtu maqashaa way nacdalan yihiin adduun iyo aakhirabawaxana ka midaMuusiga ta labaadna waaBaroorta.Maxamed C/da’uud waxa uu ku abtirsadaa Culimada iyo ducaadda mana ah qof jahli loogu cudur daari karo lakiin way muuqataa inuu ka dhacay fahanka diinta iyo nusuusteeda,binu adamka noloshiisa ayeynaka mid tahay wax kasta oo naftu rabtoiyo aragti kasta oo aan sal lahayn ayaad inayayiddo , waxanay tani barmadaw ku noqon doontaa Maxamed C/da’uudsida ku dhacday qaar badan oo ka horeeyey oo farageliyey DiintaAlle Xiftiyey.

 

Waxaan ugu nasteexayn- nayaa Maxamed C/da’uud inuu Alle u soo noqdo kanaToobad keeno Xadgudubka iyo gefka uu kula kacay Diinta Islamka




W/Q: C/raxman Colad Cumar

Email:abdirahmaan002@gmail.com

Tell: 0025634177118