Liverpool Oo Xaqiijisay Booskeeda Champions League Iyo Chelsea Oo Aan Kal Dambe Tartankaas Lagu Arki Doonin

0
Sunday May 13, 2018 - 18:52:06 in by salman abdi
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Xaqiijisay Booskeeda Champions League Iyo Chelsea Oo Aan Kal Dambe Tartankaas Lagu Arki Doonin

    Liverpool Oo Xaqiijisay Booskeeda Champions League Iyo Chelsea Oo Aan Kal Dambe Tartankaas Lagu Arki Doonin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool Oo Xaqiijisay Booskeeda Champions League Iyo Chelsea Oo Aan Kal Dambe Tartankaas Lagu Arki Doonin

Kooxda Liverpool ayaa si awood leh ku xaqiijisay kaalinta afraad ee horyalka Premier League.

Reds walaac ayey qabtay kulanka galabka ay Anfiled ku qaabishay Brighton maadama haddii lagu badiyo oo Chelsea badiso ay ka hari lahayd u soo bixitaanka Champions League ol’olaha dambe.

Hase ahaatee, daqiiqaddii 26-aad ee ciyaarta waxaa goolka kowaad u dhaliyey Mohamed Salah halka uu daqiiqaddii 30-aad mid labaad u saxiixay Dejan Lovre.

Qeybtii dambe ee dheesha waxaa Reds guusha u sii qurxiyey Dominic Solanke oo daqiiqaddii 53-aad shabaqa ku hubsaday goolkii saddexaad ee dhinaca Jurgen Klopp.

Daqiiqaddii 85-aad waxaa goolka afraad u dhaliyey Liverpool Andrew Robertson oo shaki la’aan ka dhigay in ay xaqiijiyeen kaalinta afraad.


Marka laga yimaado guusha, Mohamed Salah waxa uu dhigay rikoor isaga oo noqday xiddigii ugu horreeyey ee hal ol’ole Premier League 32 gool ka dhalya.

Dhinaca kale, Chelsea oo iyadu ku xirneyd natiijada Liverpool ayaa inta uusan kulanka u baahneyd Reds oo la garaaco iyo iyada oo badisa.

Yeelkeede, qeybtii hore ee ciyaarta iyada ayaa lagu maray 1-0 kaddib markii uu goolka ka dhaliyey Dwight Gayle daqiiqaddii 21-aad.

Chelsea oo u muuqatay mid niyad jabsaday ayaa waxaa labada gool ay laba daqiiqo u dhexeeyeen uu ka dhaliyey Ayezo Perez (Daqiiqaddihii 63 iyo 65).

Sidaas waxaa meesha uga baxay rejaddii Chelsea ee ay ugu soo bixi lahayd Champions League kal dambe.