Ciyaaro:-Mohamed Salah Oo Si Rasmi Ah Loo Guddoonsiiyey Kabta Dahabka ah, Rikoodhada Uu Dhigay Iyo Xog Muhiim Ah

0
Monday May 14, 2018 - 08:20:59 in by salman abdi
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro:-Mohamed Salah Oo Si Rasmi Ah Loo Guddoonsiiyey Kabta Dahabka ah, Rikoodhada Uu Dhigay Iyo Xog Muhiim Ah

    Mohamed Salah Oo Si Rasmi Ah Loo Guddoonsiiyey Kabta Dahabka ah, Rikoodhada Uu Dhigay Iyo Xog Muhiim Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Salah Oo Si Rasmi Ah Loo Guddoonsiiyey Kabta Dahabka ah, Rikoodhada Uu Dhigay Iyo Xog Muhiim Ah

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa si rasmi ah ugu guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league kadib markii uu soo xidhmay xili ciyaareedka 2017/18 ee horyaalka Premier League. Mohamed Salah ayaa hal gool ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisu 4-0 ka ku xaaqday Brighton wuxuuna xaqiijisatay kaalinta kowaad ee kala saraynta Premier league.

Mohamed Salah ayaa kabta dahabka ah ee Golden Bootka ku garaacay xidiga xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay macmiisha ka soo dhigtay ee Harry Kane kaas oo isna laba gool ka dhaliyay kulnakii Leicester City laakiin waxa uu awoodi waayay in maalinta xili ciyaareedkan ugu danbaysay uu Mohamed Salah soo gaadho.

Mohamed Salah oo rekoodho badan xili ciyaareedkan ka soo jabiyay isla markaana kuwo isaga u gaar ah ku soo badalay ayaa xili ciyaareedkan soo dhaliyay 32 gool oo Premier league ah waana xidigii abid ugu horeeyay ee hal xili ciyaareedkan goolashan ka soo dhaliyay Premier League.

Harry Kane ayaa kaalinta labaad ugu dhamaystay 30 gool isaga oo markan ku fashilmay in uu mucjisada ree Masar ka horjoogsado kabta dahabka ah inkasta oo uu xataa rafcaan u qaatay FA-ga si uu ugu guulaysto gool kulankii Stoke City loo qoray xidiga ay isku kooxda yihiin ee Eriksen.

Sergio Aguero ayaa kaalinta saddexaad ugu dhamaystay 21 gool halka Jamie Vardy oo Leicester City ka tirsani uu kaalinta afraad ugu jiro 20 gool waxaana ku sii xiga Raheem Sterling oo 18 gool xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay Premier league halka xidiga lacagta badan laga soo bixiyay ee Romelu Lukaku uu kaalinta 6 aad ugu dhamaystay 16 gool waana kala badhka goolasha uu Mohamed Salah xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay Premier league.

Roberto Firmino ayaa kaalinta 7 aad ugu jira 15 gool waxaana kaalinta 8 aad 14 gool ku xidhay Alexandre Lacazette halka da’yarka Man City ee Gabriel Jesus uu kaalinta 9 aad ugu jiro 13 gool waxaana tobanka xidig ee xili ciyaareedkan goolasha ugu badan soo dhaliyay buuxiyay Riyad Mahrez kaas oo 12 gool haysta waxayna isku mid yihiin xidiga Tottenham ee Son Heung-Min waa kale oo goolashan oo kale dhaliyay Eden Hazard iyo Glenn Murray.

Haddaba halkan kaga bogo Miiska Kala saraynta Gool Dhalinta Premier League Ee Maalinta Xili Ciyaareedkan 2017/18 ugu danbaysay:

1 Mohamed Salah⇒ Liverpool 32

2 Harry Kane ⇒Tottenham Hotspur 30

3 Sergio Agüero⇒ Manchester City 21

4 Jamie Vardy ⇒Leicester City 20

5 Raheem Sterling⇒ Manchester City 18

6 Romelu Lukaku ⇒Manchester United 16

7 Roberto Firmino ⇒Liverpool 15

8 Alexandre Lacazette⇒ Arsenal 14

9 Gabriel Jesus ⇒ Manchester City 13

10 Riyad Mahrez⇒ Leicester City 12

=Son Heung-Min ⇒Tottenham Hotspur 12

=Eden Hazard⇒ Chelsea 12

=Glenn Murray⇒ Brighton & Hove Albion 12