TAHRIIBAYE MAXAAN TARANSADAY W/Q:MUSTAFE MAXAMUUD MAXAMED

0
Saturday August 23, 2014 - 15:55:16 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAHRIIBAYE MAXAAN TARANSADAY W/Q:MUSTAFE MAXAMUUD MAXAMED

    Hadal yaraantiisu waxay ka dhigtay mid aan lahayn saaxibibo badan had iyo jeerna socda keligii sida SARYANka gooni deeqa ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadal yaraantiisu waxay ka dhigtay mid aan lahayn saaxibibo badan had iyo jeerna socda keligii sida SARYANka gooni deeqa ah,

wuxuu jecel yahay in uu ahaado shaqsi keli socod ah RAAGE waagii hore ma ahyn nin sidaa udhaqma,lkn wuxuu ahaa nin qalanbaawi ah jeclaana inuu markasta dhexda ugu jiro saaxibbo badan oo uu muddaddaas lahaa habeen iyo maalinba wuxuu ahaa mid looga yeedho goobaha dhalinu ku kulanto oo ka balweeya .

RAAGE wuxuu aad uga dhexmuuqan jiray badiba hawlaha dhalintu isku mashquuliso ee badanaa ay u yaqaannaan in waqtiga lagu yareeyo maaddamuu aamin sanaa in waqtiga meelahaas lagu soo yareeyo waxyaalah uu sida gaarka ah u dannayn jiray waxa ka mid ahaa, shaqada aroosyada oo ahyd balwadiisa koowaadbadanaana wuxuu ahaa nin u dhashay shaqo badni taasi waxay usaamaxday in looga yeedho badiba aroosyada ay bulshadu dhisanayso taas oo uu ka qabanjiray shaqooinka diyaarinta aqalka,sidoo kale wuxuu ahaa cayaartooy ku xeeldheer kubada cagta taas oo uu udheel i jiraynaadiyada kubada kacayaara magaaladuu joogo,sidaasoo kale kama madhnayn hawlaha dhalintu marba qabanayso waxay doonto ha ahaatee.

Intaas oo dhan marka laga tago wuxuu ahaa nin dhaqan wanagsan leh jecelna inuu maalin uun gaadho hammigiisanololeed oo ah inuu wax barto noqdona nin lagu daydo horumarna uhorseeda bulshadiisa,laakinwali maahan nin si fiican u abaabulan waxa keliya ee uuqabtaa waa inuusubaxdii qaato dhawr buugtagana iskuul(school)kaka bacdina ka soo noqda abaara 11:30AM markaa wixii ka danbeeyana wuxuu buugta ku tuuraa miis qolkiisa dhexyaalay halkaas oo buugtiisu dhex taal waxanu ka doorbidaa akhrinta buugtaas in uu isku mashquuliyo arrimo kale sida inuu ku hadlo mobile ama uu isticmaalo internet halkaas oo uu markiiba galo baraha bulshadu kuwadaxidhiidho sida FACEBOOK,TWITTER. Mararka qaarna wuxuu daawada heeso ku jira YOUTUBE.

Intabadan sanad dugsiyeed walba wuxuu ku dhamaystaa wareegtadaa waxa keliyaee u dhaamo qaar badan oo saaxiibaddii ah ayaa waxay tahay inuu si fiican isu diyaariyo maalmah lagelayo imtixaanada iskuulka taasi waxay ka caawisaa ugu yaraan inuu sanadkaas baaso oo uu gaadho heerka ogolaanshaha fasalka ku xiga laakiin maalman wuxuu dareemayaa in uu culaysku soo batay dhanka wax barshada ah, waayo wuxuu hadda galay fasalkii siddeedaad oo wuxuu ufadhiisan doonaa imtixaaan shahaadi ah kaas oo ay qaado dawladu. Sabata uu u dareemayo culayska ayaa waxay tahayin uu kawar hayo saxiibbadii oo ka sareeyay dhanka iskuulka oo kal hore ku dhacay imtixaankan ku soo socda kii sii, markaa wuxuu is tusay isagoo isna maray waddaday mareen raggii ay saaxiibbada haayeen ee iyagu ku guul daraystay inayka gudbaan marxalada dugsiga dhexedhamaantoodna hadda iska jooga suuqyada bilaacamal iyo wax barsho la aan,isagu dooni maayo inuu sidaa noqdohabeen walba wuxu ku fekeraa inuu sameeyo isbedel nafsi ahkanabaxo dhamaan hawlahan uu hada ku jiro waayo wuxuu ogyahay in aanu isku wadi karin waxbarsho iyo hawlo dhalin yaro wuxuu fekerkaa ku jiroin muddo ah ba wuxuu kulan dhex maray nin uu ku tuhmayay inuu kaga fiican yahay dhanka tacliinta iyo sida wax loo diyaariyo inkastoo uu dhibsanayay inuu nin dadka aan ka dhexmuuqan oo buug uunku foorara uu la saaxiibo hadanawuxuu is tusay inay tahaywaddada qudha ee uu ku badbaadi karo kulan dheer ka bacdi wuxuu ku qancay inuu xidhiidh dhaw la yeesho mid ka Midaardaydii ay fasalka wada fadhiyeen oo ahaa nin ku dhegen buuga kuna xisaabtama waqtiga kana fog waxyaalo badan oo RAAGE caadadiisa ahayd.


DALMAR oo ahaa wiilka RAAGE ay wada saaxiibeen wuxuu talooyin dhaxal gal ah ugudbiyay saaxiikiisa cusub waliba waxuu si hagar la’aan ah uga caawin jiray dhamaan duruustii uu dayacayRAAGE waxayna maalin kasta wada qaadan jireen waqti fara badan waxayn noqdeensaaxiibo aad isugu dhaw ooo xitaa isku kursi ka fadhiista fasalkoodii.


Muddo kadib RAAGE waxa laga dareemay isbedel ku yimi dhaqnkiisii oo tolow maxaa helay?… horaa looyidhi wixii aan CAANO iyo NABADahaynba waa lakala qaadaayewaxa durba saamayn ku yeelatay dabecadii gooni socod ka hayd ee saaxiibkii,oo tolow isagu muxuu ubedeli way oo uga dhigi wayay ninbulshaawi ah?.. way iska cadahay oo RAAGE wuxu ku dayan jiray saaxiibkiitaasi waa sabata uu u qaatay dhaqamadii iyo dabeecadihii uu lahaa DALMARwaxaysidii ahaa toba wuxuu RAAGE uxuubsiibtay inuu noqdo ardayga ugu wanaagsan fasalka isagoo sameeyay dedaal dheeri ah kana dhigtay dabeecad wax AKHRIS iyo WAXQORID waxa laga dareemay dhammaan iskuulkiiyo xaafadaha laakiin dad badan ayaa is waydiiyay waxa ninkii bedelay iyo waxa dadki ka dhex saaray qofba si u qaaday malaha wuu dadaalaa… oo hadii ladadaalo madad kaa laga dhex baxaa.. bal adba!Qaar kamida saaxiibdii ayaa si toos ah u waydiyay is bedlakan ku yimi wuxuna ugu jawaabayismaan bedeline waxaan bedelay hab dhaqankaygii wakhtigaan meelhaas wareegi jiraynawaxaan akhristaa buugmarkaa waxaan muujiyay calaamad ardaynimo.


RAAGE wuxuu dedaalki sii wadaba waxaa lagaadhaywaqtigii loo qorsheeyay in la qaado imtixaanka sanadkanwaxan la shaaciyay maalinta lagelayo iyo weliba jedwalkasiday u ka la horeeyaan maadooyinku,RAAGE waxay u hayd farxad in uu gaadho maalintan waayo mar horeba wuu diyaariyay dhammaanwixii looga baahna imtixaanka,maraka la galo imtixaan ardaydu way is waraystaanmarka laga soo baxo bal siduu ahaa iyo inuu adkaa ama jilicsinaa,nasiib wanaag RAAGE maalinkasta wuxuu ka soo bixi jiray isagoo faraxsan oo dhoolacadaynaya halka ardayda qaarna murugoodaan amaba ooyaan,waxa sidaa ku dhamaadayimtixaankii waxaana laglay fasax dheer oo dhawr bilood ah.


RAAGEwali muu gaadhin hamigiisa laakin wuxuu hadda uun ku soo dhacay waddadii uu u mari lahaa han dheer oo uu weligiilahaa wuxuu waraysi ulakacay bal dugsiyda sarre ka ugu tayada fiican iyo siduu iyo waxa lagu dhigto wuxuu urursaday macluumaadbadan oo aanu hore u hayn wuxuu na ku qan cay inuugalo dugsilaysku raacay oo ku yaal isla mgaalda uu joogo.


Muddo kadib waxaa la shaaciyaynatiijooyinkii imtixaanada waxaana loo dareeray iskuulki si qof waliba bal usoo eegto halkuu gaadhay iyo darajaduu keenay,RAAGEmarkuu meeshii gaadhay imtixaanku ku dhegsana wuxuuarkay inuu keenay derajo fiican oo uu noqday ardayga ugu fiicaniskuulka inkastoo aanu ka mid noqon tobanka arday ee dalka ugu sarreeyay (top ten)waxa RAAGEuhanbalyeeyaydad badan oo ogaa dedaalkisakuna dhiiri geliyay inuu halkaa ka sii wado,ayaamo kadib wuxuu ku biiraydugsi sarrewuxuu u qalab qaatay inuu ka midha dhaliyo dusiga sarre isagoo maanka ku haya in uu yahay furihii dhammaan wax barshada sarreee sugaysawaxa laglay dugsigii sanadkii koowaadwuu dedaalaydadaal dheerwaxaanu ka mid noqday dhawrkii arday ee sanadkaa ugu fiicnaa fasalka sidii ayuu Kuwaday wax barashadiisanadii labaad, kii seddexaad iyo kii afraadbaisagoo aad ugu fiican xiisadahaPHYSICS iyo MATHEMATICS labadan maaddo waxay noqdeen kuwa looga danbeeyo oo lagu xantotaasi waa sabata uu ugu hamiyo inuu noqdo mustaqbalaka ENGINEER . sanadkii udanbeeyay ee afraad ayuu ahaa kii uu muujiyay dedaal xad dhaaf ah wuxuuna gaadhay heer xitaa uu noqdo qof jidh ahaan laga garto arday nimadiisa wuxuna ka saahiday hurdo habeen iyo maalinba,wuxuuna kadhigtay wehel iyo walaalba buugtawax uusidoo kale daalacday buug tiro badan oo ka baxsan wax barashadiisa sida NOVELS oo uu aad ujeclaa markii lagadhay imtixaankii ugu danbeeyay iskuulakawuxuu ahaa nin diyaar ah sidii uu samyay markuu dugsigii dhexe ahaabamarkii imtixaankii dhammaday wuxuu intii baran jiray machad diini ah halkaas oo ka sii korodhsadayaqoontiisa diiniga ah muddo kadib waxaa la shaaciyayimtixaanadii shahadiga ahaa najataaijkoodii markan waxay u ahayd farxad lama ilaawaan ah wuxuuna kamid noqdaytobaka arday ee dalka ugu sareeyay (top ten)taas oo uu aad ugu hamiyi jiray.

Wuxuu nasiib uhelay inuu kamid noqdo arday loo diray dalka ethiopia si ay jaamcadooda halkaa uga sii wadaanwaxaanalagu qorayjaamacadda dawlada ee ADDIS-ABABA UNIVERSITYhalkaas ayuu RAAGE ka galay kuuliyaddaCIVIL-ENGINEERING maadaamaqof walba la siiyayogolaanshu qaybtuu doono ku dhigan karo,halkaas ayuu ka bilaabay waxbarsho ah heer jaamcadeed oo uu weligiiba ku riyoon jiraymarkanwuxuu ku hamiyayaa sidii uu ugaadhi lahaa horumar degdegawuxuuna ka biyodiidaymudo shan sanoah oo jaamcadaloogu talo galayfeker dheer ka bacdi wuxuu go aan ku gaadhay inuu dalkan iskaga baxokanatahriibo isagoo bartay dhamaan khadadka laga baxo ee tahriibta markancidna lama tashan waayo wuxu isu arkaa nin aan laga horaynhadduu waayo horeguusha is bedelka wada tashi kamaray markan waa isaga iyo naftiisa qudha mana doonayo in xitaa laga dareemo neecawdahiyigiisa kicisay ee hurdo iyo jiifba u diiday,muddo uu qorshe iyo lacag urursi waday waxa lagaa dhayxiligii ay ahayd inuu ka huleelojaamacadna iskaga tago isagoo beegsanaya dalalka europe halkaas oo uu ku tilmaan saday nolol ka dhakhsa badan tan africa taalwuxuuutagayqolo dadkakaxaysa oo lugaysiisa(MUKHALAS)oo marba xad dhuumalaysi ku marisa.

Hadda wuxuu diyaar uyahay inuu maro waddo uu ka dhegersanyahay dhibkeeda iyo duruufaha ku xeeran laakiin wuxuu aaminsanyahay inhawl kastaaba leedahay dhibkeeda wuxuuna raali ku yahay in uu gaadho Europe ama dhinto,waxa xili aan habeena ahayn maalina ahayn laga saaray magaalada addis ababa iyadoo loo qaaday dhanka xadka wadankaderiska ah ee ereteriaogow labadan dal heshiis maaha oo xad kiisa mid walibawuxuu soo dhoobay ciidamo ad u feejig sidaas oo ay tahay waxay ku talagal sanyihiin in ay dhuumalaysi ku dhaafan,markii xadka lagaadhay waxaa la bilaabay lug rafaad badan taas oo qof waliba uu sitay sahay wuxuu qaadi karo isagoo adeegsanaya awoodiisa,ku darsoo waxakamid ah dumar iyocaruurmeelahan oo kalenamaaha meelo laysa sugo ama laysu naxariisto qof walibawuxuu ku taamaya naftiisa iyo siduu uga bixi lahaameeshan dhibta badan wax la socdoba waxa laga dhamaaday xadkii,waxaa gudaha lo galay wadanka ereteria kaas oo isna dhibkiisa lehintiijika la soo maray dad badan baa dhibsaday niyadanaka jeclaysatay inay waddankii ku laabtaanwalina lama gaadhin meelihii dhibta tahriibta ku caanka ahaa tahriibta lama nasto qofna looma joojiyeeisla maalintii lasoogalayba waxa loo ruqaan saday safarkaa kii xigay oo ah in loo baxo dhanka suudan oo isna u baahan in dhumalaysi lagu galointaas oo dhan waa la lugaynayaa oo malehgaadiid waayo waa safaraan sharci ahayn sidoo kale dhulku waa qorfe ay joogan xaya waanobadan oo halistooda leh nasiib wanag RAAGE ilaa suudan wuu badqabaa oo waxba may gadhin,halka qaar dadkiii ay wada socdeenlooga tagayhaadkamarkay socod gabeenwali isaga waxa ucad rajadisii ahayd inuu gaadho Europe oo u ka raysto laakiinwuu dareensanyahy hawlahauu soo maray iyo sidaanay fari uga qodanayn laakin wuxuu hoosta ka leeyahyay " raga socodku waw door haduu mawdku daayee”.

Muddo maalma ah oo dhibtooda lahaa oo RAAGE uu indhiisa ku arkay dadkii ay wada socdeen oonaftu dhaafayso gaajo iyo darxumo awgeed waxay hadda udiyaar garoobeen safar halis badan oo ah saxaraha u dhexeeya libia iyo sudan kaas oo ah kalka dadban loo tirinayo.

RAAGE xaafadoodii waa kawar heshay in uu tahriibay waxaana layaab ku noqotay waxabedelay inankiidadba ka soocnaa,waxayudiyaariyeenwax kastoo suurta galah oo uu safarkaa ku badbaadayosaxaraha waxa ubaxa gawaadhi aan udiyaarsnaynoohalistooda lehkaaga sii darane waxa loo raara sida xoolaha oo waa la raseeya dadka,hadda waxala dhameeyay rar kii dadka waxaana qof walba laga qaaday lacag aad u tira badansikala gedisana lagu soo helay,RAAGE iyo dadki safarka ku weheliayay oo markan aad uga tiro iyo taag ba daran markay soo bilaabeen safarka jid iska xoorka ah ee ay ku beegsanayaan wax ay u haystaan nolol taala wadama Europe,saxarha waxakamida calaamaihiisa inuu leeyahay kul darran maalintii habeenkii qabaowxad dhaaf ahmuddo markii lagu jiaray saxaraha ayaa waxa markeliya guux iyo gariirba lag wayay gaadhigii!!!oo wuxuu dadkii la dhex fadhiistay gabaahiir aan dad iyo duunyo toona jooginlaba gebi dhexdood taana ka tage toona may gaadhinlawadwad gaadhigiii mise waa cillad aan xal lahayn halkiiayaa qofba wax ku fekeray qaariska asha haateen qaarnabarooreen,iminka RAAGE wuxuu toos ugar waaqsaday inuu khatar ku jiro oo nolashiisii ayhalis tahay wuxu bilaabay inuu ka calool xumaado mahlakada uu naftiisa soo gashay wuxuu siba’an ugu calaa calay” talaa iseegtay!isagoo ku jira xaaladaasayaa meeshii waxa ka bilaabmayqaylo iyo baroor dadki waxaa ka dhamaaday sahaydii iyo dham- aan waxay ugu tala galeen safarka ku darsoo qaar waaba geeriyooden isagu wali waa nool yahay oo waa fekeraya.

Dhawr caana maal ka dib waxaa soo gaadhay gaadhi ay leedahay qoladii meesha dadkakeentay oo looga soo diray suudan markan gaadhigu sidii uma aha cidhiidhi waayo waxa meesha kabaxaydad badan oo saxaraha looga tegey mayd koodadadku wa wada aamunsanyihiin oo qofna qof lama hadlayougu danbayntii waxay gaadheenwadanka Libya oo ahaa wadada safarkoodalaakiin weli waxaa u dhimansafar kaloo ka hawl badan kii saxaraha ee dadka badani kumadheen,waxa lagu xereeyay meel xero ahoo ayku diyaar sadeen qarash wixii looga baahnaa isla wiigiiba waxay udiyar noqdeen in la saaro doontaas oo aan ahayn doon lagu geli kalo safar noocaas ahku darsoo waa labuuxdhaafshaa oo waxaa loo raraa sidii gawaadhidii saxraha.

Xili aroor hore ah ayaa la ururiyay waxaanalageeyay baddiihalkaas ayay ka bilaabeen safarintii soo dhaaftay khatarihii hore,safarkani waa mid halis badan waayo baddu malahageed laqabsado iyo meel aad istaagto waxay doontii sii dabaalatoba waxaa lagaadhay badwayn dad badan ayaa doonta ku dhexmatagay waayo weligood bad may gelin sidaas awgeed way wareereenxili danbe oo isla maalintii ay bexeen ah ayaa doontii cilladi ku timi oo waxaa la arkay iyadoobiyo soo gelayaan, naxdin iyo anfariir!ka dib waxa muddo kooban gudo hood ku kala jabtay doonti oo laba qayb kala noqotayRAAGE wxuu raacay qaybtii danbetii horena muuba arkayn markay doontii quustay wuxuu arkayay dhamaan dadkii oo baddu wada liqayso isagu wuxuu nasiib uhelay inuu fuulo shirikaan wuxuuna arkayay dad kaloo iyana loox fuulay cabbaar markay sidaa ahayd waxaRAAGE iyo dhawr qof oo kale meeshiika badbaadiyay markab badda marayay waxayna geeyeen wadanka ITALY halkaas oo lagu xereeyay xero qaxoonti RAAGE wali waxaa ka guuxaya dhibkuu soo maray oo madagna qalbigisuxittaa habeenkii wuu ku qarwaa dhacdooyinkuu arkayay ee ahaa dhimasho iyo rafaadwaxa kaloo uu ka yaabay dad badan oo qaxoonti ah oo usheegay ina ay meesha joogeen muddotoban sano kabadn oo aan sharci daaye si wacan cuno u helin naxdin tii baa ku badatay.


Muddo markuu jooga ayuu isku dayay inuu wadanka dhaafo oo germany galo laakiin nasiib xumo waa lasoo qabtay waxaana lagu celiyay xeradii uu kayimi markan waxa laga qaaday farohada wuxuu joogaa muddo shan sano ah cidina weli lamahadalwuxuu dib uso xasuusatayheerkuu taagnaa markuu soo tahriibay iyo inuu manta dhamayn lahaa jaamacada iyo sidaanu waxba u hayn calol xumo wuxuu in badanjeclaystaa inuu wadankii ku laabto wuxuu ku calaacalaa TAHRIIBAYE MAXAAN TARANSADAY!!!







W/Q:MUSTAFE MAXAMUUD MAXAMED

MOB: 036-4351014/65-9454245

EMAIL:mustafe_36@hotmail.com

Burco/ somliland