Wasaarada waxbarashada somaliland ayaa tabar socon doona 10 casho u qabatay isu duwayaasha wasaaradaasi ee gobolada bari+sawiro

0
Sunday August 24, 2014 - 08:39:47 in by salman abdi
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada waxbarashada somaliland ayaa tabar socon doona 10 casho u qabatay isu duwayaasha wasaaradaasi ee gobolada bari+sawiro

    Waxa Maanta Si Rasmiya Looga Furay Magaalada Burco Tababar Socon Dooba Muddo 10 Maalmood Ah Isla Markaana Ay Wado Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Si Rasmiya Looga Furay Magaalada Burco Tababar Socon Dooba Muddo 10 Maalmood Ah Isla Markaana Ay Wado Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland.

Tababarkani Oo Ujeedadiisu Ahayd Tayaynta Kormeerka Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolada Iyo Kor U Qaadida Tayada Wax-Barasho Ee Ardayda Iyo Barayaasha Dugsiyada Waxaana Tababarkani Ka Qayb Qaadanaya Mudada Uu Socdo Kormeerada Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolada Togdheer,Saaxil,Sanaag,Sool,Buuhoodle Iyo Gobolka Daadmadheed.

Furitaanka Tababarkani Ayaa Waxa Ugu Horayntiiba Ka Hadlay Agaasimaha Waaxda Kormeerka Guud Ee Wasaarada Wax-Barashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Hassan Abdilaahi Rooble Waxaanu Ka Warbixiyey Ahmiyada Tabarkani U Leeyahay Kormeerayaasha Goboladani Ka Faa,iidaysanaayaIsagoo Arimahaasi Ka Hadlaaya waxa Uu Yidhi"Hawshaa waxaanu Uga Jeednaa Inaanu Kor Ugu Qaadno Tayada Waxbarashada EE Ardayda Iyo Maamulkii Dugsiyada Ama Maamulkii Waxbarashada Oo Aanu Kor U Qaadayno Oo Aanu Doonayno Inaanu Istaadher u Samayno Oo uu DHulka Ka Dhaqaaqo”Ayuu Yidhi Hassan Abdilaahi Rooble

Gudoomiyaha Wasaarada Waxbarashada Gobolka Sool Maxamed Bisinle Oo Isna Halkaasi Ka Hadlaayey Ayaa Sheegay Faa,iiday Ay Ka Maamul Waxbarasgo Ahaan Ka Helayaan Tabarkani Ay Hagayso Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland.

Tababarkan Oo Soconaaya Mudo 10 Casho Ah Ayaa Muhiimada Ugu Wayn Ee Ay Wasaarada waxbarshu ka Leedhay Tahay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Tayada Waxbarashada Iyo Sidii Loo Badin Lahaa Kormeerada Wasaarada waxbarshada Si Markaasi Loo Ogaado tayada Dugsiyada Dalkani Somaliland Khaasatan Gobolada Bari



Contact@afkashacabka.com