Qiimaha Ay Manchester United Ku Heli Karayso Saxiixa Gareth Bale Oo Niyada Ka Jebiyey Tababare Jose Mourinho

0
Wednesday May 30, 2018 - 10:49:14 in by salman abdi
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Ay Manchester United Ku Heli Karayso Saxiixa Gareth Bale Oo Niyada Ka Jebiyey Tababare Jose Mourinho

    Qiimaha Ay Manchester United Ku Heli Karayso Saxiixa Gareth Bale Oo Niyada Ka Jebiyey Tababare Jose Mourinho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiimaha Ay Manchester United Ku Heli Karayso Saxiixa Gareth Bale Oo Niyada Ka Jebiyey Tababare Jose Mourinho

Manchester United ayaa la sheegay inay walaac ka muujisay qiimaha ay Real Madrid kaga soo kaxaysan karayso weeraryahanka reer Wales ee Gareth Bale, taas oo sare usii kacday markii uu laba gool ka dhaliyey ciyaartii finalka Real Madrid iyo Liverpool.

Manchester United ayaa loo sheegay in saxeexa Gareth Bale uu ku kici karayo lacag dhan 320 milyan oo gini yada oo Real Madrid aan doonayn in xidiga ree Wales haddii uu kooxdeeda ka baxayo aanu qiimo sahlan kaga bixin iyada oo waliba la ogaa saamayntii uu Madrid ku yeeshay finalkii UEFA Champions League.


Real Madrid ma doonayso inay fasaxdo Bale oo da’ ahaan aad uga yar Cristiano Ronaldo, waxaana sare usii kacay qiimihii markii hore la filayey in Man United loo sheego inay ku heli karayso oo ahaa £200 milyan, taas oo la mid ahayd qiimihii uu Neymar ugu wareegay PSG xagaagii hore.

Warku wuxuu intaa ku daray in haddii Manchester United ay miiska £200 milyan oo Gini, inay heli karto Bale, waxaana Real Madrid ay lacagtaas uga faa’iidaysan doontaa inay kusoo iibsato xiddiga reer Brazil ee Neymar oo aan ku faraxsanayn inuu wakhti kale kusii lumiyo waddanka Faransiiska.

Manchester United waxa kale oo looga baahan yahay inay ogolaato inay bixiso £650,000 Gini oo toddobaadkii uu mushahar u qaato, taas oo marka afar sannadood lagu dhufto ee lagu daro qiimaha Real Madrid la siinayo ka dhigan£320 milyan oo gini.


Tababare Jose Mourinho ayaa ka walaacsan lacagtan xad-dhaafka ay ee Gareth Bale oo bisha June 29 jir noqonaya kaga bixi karaysa, hase yeeshee, waxa ay isku deyi doonaan inay qayb ka mid ah lacagta ku bixiyaan Anthony Martial oo ku qiimaysan£60 milyan iyo waliba haddii laga tegi waayo goolhaye David de Gea.