Hargeisa:Xukuumada Somaliland Ayaa Ka Hadashay Maxaabiis La Sheegay In Jeelka Lagu Jidh Dilo.

0
Friday June 01, 2018 - 16:32:20 in by salman abdi
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:Xukuumada Somaliland Ayaa Ka Hadashay Maxaabiis La Sheegay In Jeelka Lagu Jidh Dilo.

    Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Ayaa Ka Hadashay Maxaabiis La Sheegay In Jeelka Lagu Jidh Dilo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Ayaa Ka Hadashay Maxaabiis La Sheegay In Jeelka Lagu Jidh Dilo.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Cawad (Xasan Cali Dheere), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayey in xabsiga Hargeysa lagu jidh-dilay maxaabiis u xidhan budhcad baddeednimo oo sannadkii 2009kii laga soo xidhay jasiiradda Seychelles kaasi oo uu baahiyey Telifishanka Goobjoog ee Soomaaliya.


"Waanu la yaabnay warkaas, saddex maxbuus oo jeelkan ku jira oo ka midTaliye Ku xigeenka ciidanka Asluubta oo maanta u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay inay la yaabeen war ay telefoon ku duubeen saddex ka mid ah maxaabiista ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo la hadlay Telefishan Xaruntiisu tahay Muqdisho.





ah maxaabiistii lagu maxkamadeeyey jasiiradda Seychelles oo waliba iyagu codsaday in xabsiga Hargeysa la keeno, ayaa warkaas si kastaba ha u duubeenne duubay waxay ku duubeen Mobile galay xabsiga oo aanu imika hayno oo aanu markii dambe ka qaadnay,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubtu.

 

Waxa kaloo uu tilmaamay in maxaabiistani yihiin kuwo caalami ah isla markaana aanay jirin sabab loo jidh dilaa, waxaanu yidhi; "Maxaabiistani way xukunaayeen waxaanay ahaayeen maxaabiis caalamiya, sabab xabsigan loogu jidh-dilaa ma jirto, waliba xannaano gaar ah ayaanu xanaaneyn jirnay jaaliyadda iyo odayaasha Soomaaliya ee Hargeysa jooga waanu ka wada soconay wixii xabsigu ka dhammaado si wada jir ah ayaanu iskaga xil-qaamaynay oo u dhoofinaynay.”

"Maxaabiistani warka ay sheegeen wuxuu noqday mid aad loola yaabay oo aanay waxba ka jirin, ”ayuu yidh Taliye Xasan Cali Dheere.

Taliye Ku-xigeenka Asluubta oo la weydiiyay waxa jira in mid ka mid ah maxaabiistani uu ku dhintay jeelka Hargeysa waxa uu yidhi; "Warkaasi ma jiro jeelka Hargeysa ma aha xabsiyadii hore ee dawladdii Siyaad Barre ee dalka lagu ciqaabi jiray. Waa xabsi ururrada xuquuqul aadanaha u furan, waa xabsi ay looyarradu galaan. Waa xabsi ay bahda caddaaladda oo dhami ay gasho maxaabiis xukuman sabab loo jidh-dilaana ma jirto.”