Aan Ku Tartano Waddooyinka Oo Dawladeenu Caqabadihii Inaga haystay Daah-furay

0
Monday August 25, 2014 - 08:51:27 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aan Ku Tartano Waddooyinka Oo Dawladeenu Caqabadihii Inaga haystay Daah-furay

    Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ku dedaashay oo aan ku bogaadinayaa inay dadka ku tacliimisay inay ka qeyb qaataan horumarinta deegaamadooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ku dedaashay oo aan ku bogaadinayaa inay dadka ku tacliimisay inay ka qeyb qaataan horumarinta deegaamadooda.


 

 Waxaana afartii sanadood ee u dambeeyay aad u kordhay Waddooyinka lagu dhisay iskaa wax u qabso, waxaanay arrintaasi sabab u noqotay in gobolada wadanku ku tartamaan dhinaca horumarinta jidadka, iyadoo saamaynta waxtarka leh ee horumarinta waddooyinku leeyihiin aynu dareemi doonaa shan sanadood ka dib marka dhawr waddo oo dhismahoodu socdaa taabo-galaan.

 

Waxyaabaha aan ku diirsado waxa ka mid ah in xukuumaddu ay Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah nin shaqo oo khibrad iyo ikhtiraac leh ay hoos-geysay wakaaladdii horumarinta wadooyinka oo hore u ahaan jirtay Ha’yad aan sidaasi u sii tisqaadin.

Qorshaha dhiirigeliyay in gobolada wadanku ku baratamaan wadooyinka waxay ka dhasheen siyaasad wanaaga wasiirka madaxtooyada oo fulinaya himilada madaxweyne Siilaanyo, waxaanay soo rogeen qaraar ah in deegaankii toban Km oo jid laami ah samaystaba inay dawladuna ku darayso 5km, taasi oo ah siyaasad jidadkeenna burbursan lagu casriyayn karo muddo gaaban.

Illaa imika marka laga reebo wadada halbowlaha ah ee isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qiyaasay 370km oo 100-kii u horeeyay sanadkan la dhamaystiri doono oo dawladdu fulinayso dadweynuhuna ay qaadhaankeeda ka qeyb qaateen, waxa kale oo iyaguna socda jidad muhiim ah oo dhiirigelinta wadooyinka ka faa’iidaysanaya waxa ka mid ah Jidka isku xidha Hargeysa iyo Sallaxley, Hargeysa iyo Baligubadle, Jidka dawga cad ee isku xidha waqooyiga Hargeysa ilaa Jabuuti, jidadkaasi oo dhami waxay marayaan meel wanaagsan.

Waxa kale oo ay qorshahan iskaa wax u qabsada ah ku dhismay waxa ka mid ah Jidka u dhaxeeya Dilla iyo Boorame iyo kii wadada u dhaxaysa Kala-baydh iyo Wajaalle.

Xukuumadihii ka horeeyay dawladda Siilaanyo waxay ku guul-daraysteen inay dadweynaha horumarka ku tartan siiyaan. Waxaan qabaa in arrintani ku timid waayo arragnimadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo dedaalka aan qiyaasta lahayn ee Wasiirka madaxtooyadda oo wadooyinku hoos yimaadaan.

Waxaan ku boorinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibad-ba kaalin weyn ha ka qaataan dhismaha wadooyinka oo ahaa caqabad weyn oo horumarka innaga hortaagnayd oo aynu imika sidii aynu wax ugaga qaban lahayn raadkeedii ay inoo heshay dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo iyadu xataa soo iibisay gaadiidkii kala duwanaa ee wadooyinka lagu dhiso.



 

Ismaaciil Cabdi Khayre Ducaale

Berbera / Somaliland