Markaad Qof Hambalyaynayso ha Ku Gefin Cid kale WQ: Mustafe Teacher

0
Tuesday August 26, 2014 - 11:30:48 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaad Qof Hambalyaynayso ha Ku Gefin Cid kale WQ: Mustafe Teacher

    Shakhsi ahaan Aniga la iigama baran inaan cid ku weeraro maqaal, ama cid ku kellifo inay maqaal ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shakhsi ahaan Aniga la iigama baran inaan cid ku weeraro maqaal, ama cid ku kellifo inay maqaal ....
Markaad Qof Hambalyaynayso ha Ku Gefin Cid kale WQ: Mustafe Teacher


Anigoo Ah MustafeOsman Abdirahman (TEACHER) Waxaan halkan ku caddaynayaa in aanan anigu qorin, kana  danbaynin, kuna lug lahayn waxbana aanan ka ogeyn Qoraalka lagu baahiyey qaar ka mida warbaahinta Online ka ah ee ku saabsan ama cinwankiisu ahaa   Weriye Mustafe Teacher oo ku Biiray Bahda Tvga Qaranka oo Tartan Xoogan kula jira HCTV iyo Weriyaasha Dhalinyarada ah ee Miisaanka culus oo ku sii qulqulaya Tvga Qaranka. Qoraalkaas oo weriyaasha Tvga qaranka ee Gobolka Togdheer lagu duray, iyadoo la sheegay in looga shakiyey inaan Qoray ama ku lug leeyahay waxan halkan ku caddaynayaa:

1.Inaan Qorin  Qof kasta oo ka shakisana an kaga shaki saarayo waxkasta oo uu u baahdo ama uu ku shaki baxayo.
2.Inaan Keenayo caddaymo muujinaya in markii maqaalkaas aan arkay an ka hawlgalay sidii shebekedaha Daabacay looga saari lahaa iyadoo cid igu qabsatay aanay jirin, lakin markan akhriyey an arkay ereyada gefka ku ahaa Saaxiibadayda Burco ee Tvga qaranka  ee ku jiray Qoraalkaas ama maqaalkaas.

Hadaba waxan ka xumahay in la igu sameeyo Qiimo ridis ama sumcad kadil iyo isku dir lanaga dhex sameeyo suxufiyinta  aan u imi ee anu asxaabta nahay, waan ka xumahay in waxyaabaha qaar kor loo qaado ama eedeyn aan sal iyo raad toona lahayn la mar mariyo shakhsi an gayin, waana ka xumay in Qof is lahaa hambalyee sxbkaa uu ku gefo asxaabtayda kale, aniga ayaana ka xaal siinaya cid kasto qoraalkaas aniga igu socday wax loogu dhimay.

 iyadoo an ixtiraam weyn u hayo asxaabta shaqada Tvga qaranka iiga soo horeysay kuna ixtiraamayo, Sxbtinimada, Mihnada, masuliyadda, Wada shaqayntayada cusub iyo waxyaabo kale oo noo gaar ah ba waxan leeyahay arrinkaas shaqo kuma lihi mana qorin, mana dirin, mana ogi wax kasta oo loo baahdona wan ku caddaynayaa, Waxan u arkaa se Qoraalkasi mid la igu hambalyaynayey aniga, cabdimalik iyo xukumadda ba, balse Layn Khalad ahi soo galay oo lagu taabtay ama wax lagaga sheegayey Asxaabtayda Tvga Qaranka ee Burco, waxan leyahay ciddii so qortay ee warbahinta u qaybisay khaladkaa ku jiray Hambalyada aad iso qorteen waxay wax badan u dhintay kalsoonidi iyo wada shaqayntii saaxiibaday, hadaad idinku is lahaydeen sxbkiin ku bogaadiya shaqada cusub, may ahayn inaad cid kale taabatan ama ku geftaan ee waxay ahayd in qoraalku ku koobnaado ujeedadiina , iskana ilaaliya marka qof aad jeceshin  inaad hambalyaynaysaan inaad ku geftaan cid kale oo aydaan ogayn cida ad hambalyaynaysaan iyo cidaas kale waxa ka dhexeya

Waxan jecelahay inaan cadowgu naga faaidaysan asxaabtayda Tvga qaranka ee Burco, inaan sxbtinimadeena, wada jirkeena iyo midnimadeena la kala dhantaalin iyadoo loo adeegsanayo waxyaabo aad u raqiis ah oo an dad kala kaxayn.

Shakhsi ahaan Aniga la iigama baran inaan cid ku weeraro maqaal, ama cid ku kellifo inay maqaal igu hambalyeeyaan, mana aqaan dhaqamo badan oo dhalinyarada qaar isticmaal, wax badana wan ka xishooda, Damiirkayga ayaa ii diidaya inaan qof anu sxb nahay xanto, ama dacaayad anu raali ka ahayn ka fidiyo, Ma aqaan inaan ku aargoosto maqaalada oo inta I taqaan iyo ilaahayba waa og yihiin qof anu col nahay ama anu sxb nahay inaan weligay maqaal ama warbaahin u adeegsan, wan necebahay shakhsi weerarka, waxana hubaa waxa an qof ka qoraa inay igu so noqonayso.

Allaa Mahad leh


By: Mustafe Osman Abdirahman (Teacher)
Burco Somaliland
063-4411480 / 0659300030