Madaxweyne Siilanyo Go'aankii geesnimada Iyo Taariikhiga Ahaa Ee Nealson Mandela Ha Qaato

0
Wednesday August 27, 2014 - 08:38:33 in by Super Admin
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo Go'aankii geesnimada Iyo Taariikhiga Ahaa Ee Nealson Mandela Ha Qaato

    Afeef anigu waxaan ka mid ahay taageerayaasha Xisbul Xaakiimka Kulmiye ila maalintii la aasaasay Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afeef anigu waxaan ka mid ahay taageerayaasha Xisbul Xaakiimka Kulmiye ila maalintii la aasaasay Kulmiye


mucaaridka   Axmed Siilanyo’na mucaarid kuma ahii ee waxaan jeclahay inuu taariikh lama ilooban ah ummada geesga Africa u wada dan ah kaga tego sidii madaxweyne Nealson  waxaan arkay oo go’aansaday in Somaliland shirqool meelo fog laga soo maleegayo lala doonayo Siilanyo la doonayo sidii Abdiraxmaan Tuur in la fashilliyo taas iyaan ka hortegayaa xaqna waan u leeyahay.  Bad_baadka Xisbiga kulmiye sumcad madaxweynaha xasiloonida iyo nabadgelyada iyo midnimada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mud, A. M. M Siilanyo wuxuu Somaliland gaadhsiiyey guul iyo horumar mamuul leh tayo sare wax qabad uu kusoo xulay karti iyo aqoon waayo aragnimo.


Maalintii u talada dalka la wareegay dadka kalsoonidii iyo rajo wacan iyaa dib usoo noolatay calaamkii iyaa aad ula dhacay hab iyo nidaamka aay dowladda  Axmed  Siilanyo usoo bandhiigtay qorshe iyo istraajiijiyaad dhaqaalle abuuris wadooyiin leh madaraada Dalka oo loogu sameeyeey dib udhis dekada Berbera oo la casriyeey lana balaadhiyeey waxas oo dhan dadka reer Somaliland wey ku farxeen taariikh dambee iyaa baal dahab ah  Siilanyo ka geli doona.

Wax Qabadka Siilanyo Afartii Sano iyo Baadhkii  Loguuna Xasuusan doono

Daryeel Cafimaad

Maalgelin Calaami ah

Waddooyiin

Madaaro

Waxbarasho bilash ah

Jahli iyo Aqoon darro la dagaalan

FGM   Gudniinka Fiircooniga

Mamuul wanaag ku fida gobolada

Siduu madaxweyne Axmed Siilanyo hore u sheegay waraysiiyo laga qaaday markuu ahaa gudoomiye mucaarad adduunka waxaa loo shaqeeya loona tartama  magac sumcad wacan ka tegis iyo taariikh reeb  waxaan kula talin lahaa madaxweynaha inaanu fikradaas iyo tallaabadaas geesinimada leh horena loogu yaqaanay Muj Axmed  Siilanyo aanu ka leexan ama iloobin.

Hada Somaliland maanta waxaa ka bilaabmay shirar beeledyo si anshax xumo dhego xumo qaran iyo magac dil ugu filan Somaliland sabaabtaas iyo eedaas waxaa isga leh dadka ku fashilmay salanka  kuna guul darraystay hogaamiinta Asxaabta mucaaridka iyo weliba  masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbul Xaakiimka Kulmiye oo moodo markaay Hoggaankii Kulmiye iyana ku fashilmeen inaay dan siyaasadeed moodeen inaay ku dhexmilmaan  Shirbeeledyo ka kacay cadiifaado reeraysan loogu wiiqayo sumcada iyo wax qabadka Xukuumadda Axmed Siilanyo.

Waxaa taas u daliil ah sidaa masuuliyiinta sare-sare ee Kulmiye hoosta uga guuxayaan shirar doco_docdeeyo  aanay garan karin halkaa aay ku dambayn doonan  lana sii saadaallin karo inaanay quruux badnayn natiijada ka soo baxda shirarkaas.

Somaliland waxaay leedahay ciidan qaran iyo Bolis dhamaantood ka shaqeeya kana mideysan  amniga qaranla waxaa’se halis gelin karaa una horseedii karaa in niyada kalsoonidii iyo  moraalka ka dilan odeyaal iyo siyaasiin isku sheega habeen iyo maalin saxaafadda la horfadhiyaa  belyo dadka oo been iyo xumo loo kala tebiyo.

Madaama dadkii aqoonyahanada iyo madaxdhaqmeedkii haldoorkii Somaliland aay faro badteen intii qaska iyo xumatada jeclayd wada hadal iyo is afgarasho qaran diidan meeli wada bugto soona quufaya hadlo leh bogo iyo xanafo aan loo baahnayn.

Sidaa ugu habboon madaxweyne Siilanyo  ha hortego goleyaasha qaranka hana isugu yeedho Xukuumaddisa Asxaabta qaranka  oo haku dhawaaqo inaanu tartan doorasho dambee gelayn intaasna hala joojiyo buuqa iyo dhiillada leh  iyo qaylo dhaanka  yaan ciidanka iyo Boliska dalka niyada iyo moraalka laga jebin.    Waayo cida keli ah ee sii wadanimo xilkasnimo  dacaadnimo u gudta xilka qaranka wa laamaha amniga dalka.

Had iyo goor yaan darro madaxda Afrcia Waxaa lugta go’yaa dad yar koox iyaagu dantooda oo keli ah ka fekera laakiin eegin amase dannaayn sumcada  dhaxal reebka madaxdweynaha hadaba markaas jooga.

Cali  C/laahi Ismacil Dheeg

UK - London