Madaxwaynaa Somaliya Oo Dhax Dexadiyay Dhinacyada Iskuhaya Dalka Koonfurta Suudaan Iyo Dardaaranada Uu Siiyey

0
Saturday June 23, 2018 - 13:26:50 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaa Somaliya Oo Dhax Dexadiyay Dhinacyada Iskuhaya Dalka Koonfurta Suudaan Iyo Dardaaranada Uu Siiyey

    Madaxwaynaa Somaliya Oo Dhax Dexadiyay Dhinacyada Iskuhaya Dalka Koonfurta Suudaan Iyo Dardaaranada Uu Siiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaa Somaliya Oo Dhax Dexadiyay Dhinacyada Iskuhaya Dalka Koonfurta Suudaan Iyo Dardaaranada Uu Siiyey

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay waxyaabaha lagaga hadlay shirkiii urur goboleedka IGAD  ee ka qabsoomay magaalada Addis Ababa.

Shirka urur goboleedka IGAD ayaa diirada lagu saarayey dhex dhexaadin loo samaynayo dawlada koonfurta Suudaan iyo mucaaridka ka soo horjeeda.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo markii shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay doorkii uu madaxweynaha soomaaliya ka qaatay dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya koonfurta Suudaan, waxaanu yidhi "Shirka waxa ka soo baxay arimo ay ugu muhiimsan yihiin in la sii wado dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya arinta dalka koonfurta Suudaan oo ay ugu muhiimsan yihiin xukuumada madaxweyne Silvakiir iyo ninka ugu weyn mucaaridka ee madaxweyne ku xigeenka ahaan jiray, labadooduba shirka ayey joogeen waana lays tusay, waxaanu shirku go’aamiyey in labadooda loo kala dab qaado.”

 

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Wuxuu aad ugu booriyey oo uu ku dhiiriyey inay heshiiyaan oo ay khilaafka soo afjaraan kana fikiraan danta dalkooda, waxaanu tusaale u soo qaatay oo aad loogu riyaaqay in soomaaliya ay soo martay sanado badan oo dagaalo sokeeye, waxaanu u cadeeyey in dagaalka sokeeye aanu wax natiijo ah oo aan burbur ahayn dhalinayn.”

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhiiri gelin siiyey dhinacyada isku haya dalkaasi "Markii uu arkay madaxweyne Silvakiir waxa uu mar kale ugu celiyey baahida loo qabo inay heshiiyaan dhinacyada Koonfurta Suudaan isku hayaa, oo ay u damqadaan dadkoona kana fikiraan mustaqbalka umadooda.”