Hargaysa:-Natiijadda Ka Soo Baxday Kulan Uu Madaxweyne Muuse Isugu Yeedhay Guddoomiyeyaasha Maxakamada Dalka -

0
Wednesday June 27, 2018 - 16:18:48 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Natiijadda Ka Soo Baxday Kulan Uu Madaxweyne Muuse Isugu Yeedhay Guddoomiyeyaasha Maxakamada Dalka -

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda maxkamadaha gobollada dalka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda maxkamadaha gobollada dalka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Image may contain: 1 person, standing and wedding

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba guddoomiyayaasha maxkamadaha gobollada dalka ee heer rafcaan, heer gobol iyo heer degmo, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa hawlaha garsoor ee dalka, isla markaana meesha looga saari lahaa dhammaanba caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman waaxda garsoorka qaranka.Image may contain: 2 people, people sitting and beard

Ugu horrayn, xubnaha guddoomiyayaasha maxkamadaha gobollada dalku waxa ay madaxweynaha la wadaageen halka ay hashu u marayso, iyaga oo sharraxaad dheer ka bixiyey guulaha uu gaadhay garsoorka dalku, meelaha u baahan taageerada madaxweynaha iyo caqabadaha u mudan in wax laga qabto, sida dhismeyaasha iyo gaadiidka.

 

Image may contain: 2 people, people sitting
Sidoo kale, waxa ay madaxda garsoorku madaxweynaha ka codsadeen inuu ka hawlgalo sidii loo fulin lahaa dacwadaha dhammaaday, si ay muwaadiniintu caddaalad siman u helaan, loona sugo ammaanka iyo nabadda guud ee qaranka.

Image may contain: 5 people, people sitting and beard
Waxyaabaha kale ee ay hoggaanka maxkamadaha kala duwan ee gobollada dalku madaxweynaha la wadaageen, ayaa waxa kamid ahaa isbeddelka muuqda ee dhinaca garsoorka dalka ka hirgalay iyo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa, iyaga hoosta ka xarriiqay inay haystaan madax-bannaani buuxda.Image may contain: 4 people, people sitting

Dhinaciisa madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madaxda maxkamadaha dalka ku hambalyeeyey hawsha adag ee ay qaranka u hayaan, isaga oo ka garaabay dhammaanba caqabadaha ay madaxda maxkamadaha gobollada dalku soo bandhigeen, waxana uu ballan qaaday inuu diyaar u yahay sidii meesha looga saari lahaa caqabadahaas, iyada oo gacmaha la is wada haysto.Image may contain: 5 people, people sitting and beard

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoggaanka maxkamadaha gobollada dalka u ballan qaaday inuu si buuxda u garab taagan yahay waaxda garsoor ee dalka, isla markaana ay madaxweyne ahaan ka go’an tahay fulinta dacwadaha garnaqoodu dhammaaday oo uu sheegay inay guud ahaanba sumcadda iyo amniga qaranka muhiim u yihiin.Image may contain: 3 people, people sitting
Ugu dambayntii waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu hoggaanka garsoorka ka codsaday inay caddaaladda iyo sinnaanta muwaadiniinta mar walba halbeeg ka dhigtaan, si loo dhawro wada-jirka horumarka bulshada.