Liverpool Oo Bilowday Qorshihii Ay Xagaaga Kula Soo Wareegi Lahayd Yerry Mina Oo Xalay Daqiiqaddii Ugu Dambeeysay Wadnaha Jaray England

0
Wednesday July 04, 2018 - 13:03:35 in by salman abdi
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Bilowday Qorshihii Ay Xagaaga Kula Soo Wareegi Lahayd Yerry Mina Oo Xalay Daqiiqaddii Ugu Dambeeysay Wadnaha Jaray England

    Liverpool Oo Bilowday Qorshihii Ay Xagaaga Kula Soo Wareegi Lahayd Yerry Mina Oo Xalay Daqiiqaddii Ugu Dambeeysay Wadnaha Jaray England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool Oo Bilowday Qorshihii Ay Xagaaga Kula Soo Wareegi Lahayd Yerry Mina Oo Xalay Daqiiqaddii Ugu Dambeeysay Wadnaha Jaray England
Liverpool waxa ay diyaarineysaa dalab ay ka gudbiso daafaca mayalka adag ee Colombia Yerry Mina.

Kooxda Jurgen Klopp oo ay ka go’an tahay In ay u tartanto horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedka soo socda ayaa dalabkan ka gudbineysaa xiddigga Barcelona xagaaga.


Sida laga soo xiganayo Fotomac, Liverpool waxa ay tartan saxiixiisa ah la geleysaa Fenerbahce oo xiriir dhaw la leh kooxda Barcelona.

Mina waxa uu ahaa mid ka mida xiddigihii halbowlaha u ahaa Colombia koobka aduunka isaga oo saddex jeer shabaqa soo taabtay oo ay ku jirto kii ugu dambeeyey ee uu daqiiqaddii dhimashada ka dhaliyey England.



Yerry Mina oo aan ku qanacsaney fursadihii uu Barcelona ka helay xilli ciyaareedkii dhawaan dhammaaday ayaa markii hore uga soo biiray Palmeiras.

Laacibka waxa uu noqday ciyaaryahan Colombia u dhashay kii ugu horreeyey ee u safta Barcelona.

Mina waxa uu qarankiisa u saftay 15 kulan oo heer caalami ah balse iminka waxa ay ku hareen wareegga 16-ka koobka aduunka.