Magacyada Maxaabistii Lagu Soo Qabtay Saax-dheer

0
Friday August 29, 2014 - 13:03:17 in by salman abdi
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Maxaabistii Lagu Soo Qabtay Saax-dheer

    Hawlgal ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka fuliyeen tuulada Saax-dheer oo ka tirsan Gobolka Sool hiirtii waaberi ee shalay, ayaa lagu kala dareeriyey malleeshiyaad hubaysan iyo dad kala duwan oo qorshahoodu ahaa inay Cali Khaliif Galaydh u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgal ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka fuliyeen tuulada Saax-dheer oo ka tirsan Gobolka Sool hiirtii waaberi ee shalay, ayaa lagu kala dareeriyey malleeshiyaad hubaysan iyo dad kala duwan oo qorshahoodu ahaa inay Cali Khaliif Galaydh u caleemo saaraan madaxweynenimo magac-u-yaal ah.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland, ayaa subaxnimadii hore ee shalay gudaha u galay Saax-dheer oo qiyaastii 70km dhinaca koonfur-bari ka xigta xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, kuna taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya,

halkaasoo la doonayey in xaflad loogu qabto siyaasiga Cali Khaliif Galaydh Khamiistii shalay, laakiin waxa qorshahaas fashiliyey ciidanka qaranka oo kala eryey dadweyne iyo malleeshiyaad hubaysan oo ka shaqaynayey qabsoomidda xafladdaas, iyagoo Cali Khaliif iyo kooxo la socday firxad ku galeen degaanno ka tirsan gudaha dalka Itoobiya.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey inay in badan iska ilaaliyeen inay tallaabo millatari ka qaadaan malleeshiyaadka colaadaha ka abuuraya degaannada gobollada bari ee dalka, balse Cali Khaliif Galaydh oo abaabul badan sameeyey ku kellifay inay tallaabo qaadaan.

"Waxaad la socoteen in dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh uu sheegtay inuu urur la yidhaahdo Khaatumo amma maamul-goboleed la yidhaa Khaatumo ka samaysanayo gudaha Somaliland. Bishan aynnu ku jirno oo dhan waxa uu waday wax doorasho la yidhaa, wax baarlamaan la yidhaa. Wax baan dhigayaa iyo waxan ayaan samaynayaa. Waxaannu aad iyo aad uga taxadiraynay in aan dadka reer Somaliland ee tuulooyinkaas ku sugan dhibaato gaadhin, Cali Khaliif-na ma waantoobo, hase yeeshee waxay noqotay ‘Cay cay dhaaftee geeska qabo!’ Markii uu yidhi 28-ka bisha ayaa laygu caleemo-saarayaa tuulada la yidhaa Saax-dheer oo Somaliland ah, kuna taal xadka Somaliland iyo Itoobiya, halkaasna uu ka dhistay buulal waaweyn, ergooyinna wuxuu yidhi ii kaalaya. Diyaarado ayaa laga soo fuulay Kismaayo iyo Xamar lagu sito qalab ciidan iyo wax lagu dibin-daabyeeyo qaranka Somaliland,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Somaliland.

Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey hawlgalka ciidankiisu sameeyeen iyo jahawareerkii ku dhacay Cali Khaliif Galaydh iyo malleeshiyaadka la socda, waxaannu yidhi; "Saaka (subaxnimadii hore ee shalay) markii ay saacaddu ahayd 5:30 subaxnimo ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland hawlgal ka bilaabeen agagaarka Saax-dheer, Cali Khaliif iyo wixi uu watayna qof-qof dayey may yeelan, waxaanay noqdeen wax siigo noqday, wax kabihii dirqi ku haleelay, wax la baxsaday gaadhi Landcruiser ah, haddana jaan iyo cidhib meel uu dhigay lama hayo, waxaana noogu dambaysay in Cali Khaliif sii jibaaxayey tuulo 30km gudaha ugu jirta Itoobiya, isagoon dib u soo eegin raggiisii iyo wixii uu meesha ku urursanayey.”

Taliye Shaqalle ayaa uga digay Cali Khaliif iyo kooxdiisa inay ku riyoodaan sidii ay dhib uga samayn lahaayeen gudaha Somaliland, waxaannu yidhi; "Waxaan leeyahay Cali Khaliif, qayrkii iyo wixii ku riyoonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland gudaheeda dibin-daabyo ka sameeyaan, Cali Khaliif eega ta ka qabsatay Saax-dheer.” Taliyaha ayaa sheegay in laba askari ciidanka qaranka kaga geeriyoodeen hawlgalka lagu fashiliyey xaflad Cali Khaliif ku qabsanayey Saax-dheer, halka laba askari oo kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, xogo kala duwan oo Jamhuuriya helay xalay, ayaa tilmaamay in hawlgalka ciidanka qaranku ka fuliyeen tuulada Saax-dheer lagu dilay askar badan oo malleeshiyaadka kooxda Khaatumo ka tirsan, laguna qabtay maxaabiis tiradoodu dhan tahay ilaa 10 xubnood, halka sidoo kalena ciidanku gacanta ku dhigeen laba baabuur oo tigniko ah iyo laba Landcruiser, iyagoo sidoo kalena ciidanka qaranku la wareegay agab iyo qalab kala duwan oo loogu talogalay xafladdii fashilantay ee caleemo-saarka Cali Khaliif.

Magacyada maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Saax-dheer oo xabsiga Burco la dhigay xalay oo Jamhuuriya helay, waxa ay kala yihiin:

1. Ciise Cabdi Cabdulle

2. Siciid Jaamac Ismaaciil

3. Cabdirisaaq Axmed Saleebaan

4. Xuseen Xasan Jaamac

5. Asad Xuseen Cismaan

6. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ibraahim

7. Dhuux Deeq Axmed

8. Shir-shoole Maxamuud Xaaji Hirad

9. Maxamed Cumar Cabdi, halka maxbuuska 10aad oo dhaawac ah aan magaciisa la soo bandhigin, kaas oo hadda lagu daawaynayo Cusbitaalka Guud ee Burco.

Geesta kale, sarkaal ciidammada qaranka ka tirsan oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in ciidankoodu dhirbaaxo xun ku dhufteen maleeshiyaad aad u hubaysan oo loogu talogalay inay ilaaliyaan ammaanka magaalada Saax-dheer ee la doonayey in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh.

Waxa uu intaa ku daray in ciidammada qaranku gaaf wareegayaan gudaha iyo daafaha Saax-dheer oo hadda ay gacanta ku hayaan, isla markaana ku sugnaan doonaan illaa amar dambe, isagoo xusay inay jidadka magaaladaas wadhan yihiin agabkii loogu talogalay xafladda caleemo-saarka ee laga yaacay, iyadoo tallaabadaasina muujinayso sida aanay dawladda Somaliland marna raalli uga noqon doonin in degaanno dalkeeda ka mid ah laga sameeyo waxyaabo lid ku ah qarannimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland.


Xigasho Jamhuuriya.



Contact@afkashacabka.com