Washington:-Boqran Elizabeth II ayaa la kulantay inta badan 12-kii madaxweyne ee Maraykanka soo maray marka laga reebo Trump.

0
Friday July 13, 2018 - 12:13:04 in by salman abdi
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Boqran Elizabeth II ayaa la kulantay inta badan 12-kii madaxweyne ee Maraykanka soo maray marka laga reebo Trump.

    Washington:-Boqran Elizabeth II ayaa la kulantay inta badan 12-kii madaxweyne ee Maraykanka soo maray marka laga reebo Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Boqran Elizabeth II ayaa la kulantay inta badan 12-kii madaxweyne ee Maraykanka soo maray marka laga reebo Trump.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho ugu tagayo boqoradda Ingiriiska xilli uu socdaal ku joogo dalka Britain, balse ma noqonayo madaxweynihii koowaad ee boqoradda la kulmo, waxayna qeyb ka tahay dhaqan muddo badan soo jiray.

Muddadii 66-ka sano ahayd ee ay kursiga boqortooyada ku fadhiday Boqran Elizabeth waxa ay la kulantay dhammaan madaxweynayaashii soo maray Maraykanka marka laga reebo Lyndon B Johnson iyo madaxweyne Trump oo hadda qorshuhu yahay in ay la kulanto.

Xagga hoose waxaa ah sawirro aan idiinka soo xulnay kulamadii ugu muhiimsanaa.

Boqoradda iyo Dwight D Eisenhower oo Aqalka Cad ku kulmay 1957. Eisenhower waxa uu qoorta ku xiranyahay abaalmarin uu siiyay boqor Geirge VI oo Elizabeth aabaheed ah.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoqoradda iyo Dwight D Eisenhower oo Aqalka Cad ku kulmay 1957. Eisenhower waxa uu qoorta ku xiranyahay abaalmarin uu siiyay boqor Geirge VI oo Elizabeth aabaheed ah.
Qasriga boqortooyada Buckingham ayay ku kulmeen boqoradda iyo madaxweyne John F Kennedy (midig) oo la socoto marwada koowaad Jacqueline Kennedy (qofka labaad dhanka bidix) sanadkii 1961, waxaa la taagan Amiir Philip.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQasriga boqortooyada Buckingham ayay ku kulmeen boqoradda iyo madaxweyne John F Kennedy (midig) oo la socoto marwada koowaad Jacqueline Kennedy (qofka labaad dhanka bidix) sanadkii 1961, waxaa la taagan Amiir Philip.
Boqorada iyo Ra'isulwasaarihii Ingiriiska Edward Heath oo la kulmay madaxweyne Richard Nixon (qofka labaad dhanka midig) iyo xaaskiisa Pat sanadkii 1970. Kulanka waxa uu ka dhacay hoyga Ra'isulwasaaraha ee UK.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoqorada iyo Ra'isulwasaarihii Ingiriiska Edward Heath oo la kulmay madaxweyne Richard Nixon (qofka labaad dhanka midig) iyo xaaskiisa Pat sanadkii 1970. Kulanka waxa uu ka dhacay hoyga Ra'isulwasaaraha ee UK.
Madaxweynihii Maraykanka Gerald Ford oo qoob ka ciyaar la dheelaya boqoradda sanadkii 1976. Aqalka Cad ayay ku kulmeen.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweynihii Maraykanka Gerald Ford oo qoob ka ciyaar la dheelaya boqoradda sanadkii 1976. Aqalka Cad ayay ku kulmeen.
Boqoradda iyo madaxweyne Jimmy Carter oo sanadkii 1977-dii ku kulmay qasriga Buckingham.Lahaanshaha sawirkaPA
Image captionBoqoradda iyo madaxweyne Jimmy Carter oo sanadkii 1977-dii ku kulmay qasriga Buckingham.
Boqran Elizabeth iyo madaxweyne Ronald oo fardo ku jooga sanadkii 1982 xilli uu madaxweynaha booqasho ku tagay UK. Fardaha boqoradda ayaa hadiyad loogu keenay.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoqran Elizabeth iyo madaxweyne Ronald oo fardo ku jooga sanadkii 1982 xilli uu madaxweynaha booqasho ku tagay UK. Fardaha boqoradda ayaa hadiyad loogu keenay.
Boqoradda iyo madaxweyne George H W Bush oo sanadkii 1991-dii ku kulmay Washington.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoqoradda iyo madaxweyne George H W Bush oo sanadkii 1991-dii ku kulmay Washington.
Amiirad Elizabeth (intii aysan boqradda noqon ayaa la kulantay madaxweyne Harry S. Truman sanadkii 1951-diiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionAmiirad Elizabeth (intii aysan boqaradda noqon) ayaa la kulantay madaxweyne Harry S. Truman sanadkii 1951-dii
Madaxweyne George W Bush ayaa boqorada kusoo dhaweeyay Aqalka Cad sanadkii 2007.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweyne George W Bush ayaa boqorada kusoo dhaweeyay Aqalka Cad sanadkii 2007.
Boqoradda iyo Amiir Philip ayaa madaxweyne Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle kula kulmay Lonon sanadkii 2011-kii.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBoqoradda iyo Amiir Philip ayaa madaxweyne Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle kula kulmay Lonon sanadkii 2011-kii.