Beesha Caalamku Waxba Anaga Nooma Qabato DalkaninaSomaliland Dal Burburay Buu Ahaa Oo Dadkiisaa Dhistay.....Faysal Cali Waraabe.

0
Friday August 29, 2014 - 16:29:57 in by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamku Waxba Anaga Nooma Qabato DalkaninaSomaliland Dal Burburay Buu Ahaa Oo Dadkiisaa Dhistay.....Faysal Cali Waraabe.

    Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal cali Waraabe ayaa markii ugu horrayssay ka Hadlay Dagaalka ciidanka qaranku ku qabsadeen magaalada Saax-dheer,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal cali Waraabe ayaa markii ugu horrayssay ka Hadlay Dagaalka ciidanka qaranku ku qabsadeen magaalada Saax-dheer,

Sidoo kalana waxaa uu kajawaabay dhawaaq Qaramada midoobay, maraykanka iyo Midowga yurub si wada jir ah ugu baaqeen in Somaliland ka soo baxdo Deegaanka ay shalay gashay.

Faysal waxa uu sheegay in uu ka xun yahay shacabka dhintay, balse laga maarmi waayay in talaabo ciidanku kaqaado, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu lahadlayay Idaacada VOA-da waxaanu yidhi "aad baan uga xumahay dadkii dhintay waanan tacsiyadaynayaa waxay noqotay meeshu bahalo galeen markii meeshii ay saddex diyaaradood yimaaddeen waxanu u aragnay in jiritaanka iyo nabadda ay khatar ku tahay meeshaasi.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal ayaa mar uu ka jawaabayey Baaqa ka soo baxay wakiillada ku baaqay in Somaliland ciidankeeda kasoo saarto saax-dheer, waxa uu sheegay inaan Somaliland ahayn dad wixii la doono loo yeedhiyo oo iyadu horumarka ka muuqda qabsatay, waxana uu yidhi,"beesha caalamku waxba anaga nooma qabto dalkanina dal burburay buu ahaa oo dadkiisaa dhistay xaqna nooguma laha inay wax noo yeedhiyo. midnimada Somalia in Somaliland loosoo gudbiyo ma fiicna, laakiin hadda waxa muuqata in somaliland lagu celiyo halka somalia joogto”

 

Faysal waxa uu sheegay in shacabka halkaas deggen laga talinayo Horumarkiisa iyo waxtarkiisa, isla-markaana dhibka gaadha uu masuul ka yahay Cali Khaliif"dadkaani waa dad Somaliland ah oo aanu doonayno inaan horumar gaadhsiino, laakiin waxa canaantu saartahay ninka muqdisho ka yimi”

Faysal oo ka jawaabayey inuu Cali Khaliif u dhashay deegaanka, isla-markaana xaq u leeyahay inuu maamul samaysto, ayaa sheegay inaanay suurtagal ahayn in qof waliba halkii uu ku dhashay inuu rabitaankiisa kaga hirgeliyo maamulka uu doonayo, "Anigu Awaaraan u dhashee suurtogal ma noqonaysaaa inaan idhaahdo ciidagale state baan halkaas ka samaynayaa, cali khaliifna waa shakhsi yar oo aan waxba ka Ahayn Beeshiisa.”

Hadalkan kasoo yeedhay Eng. Faysal cali waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli aanay dawladda Somaliland wali wax hadal ah ka odhanin sababta keentay inay weerar ku qaaddo Deegaanka Saax-dheer, marka laga reebo Taliayaha Guud ee Ciidanka qaranka oo isagu sababta ku sheegay hub halkaas lagaga soo daabulay dhinaca Somalia.




Contact@afkashacabka.com