Wasiirrada Dibadda Iyo Gudaha Somaliland Oo La Kulmay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya & Madax Kale

0
Friday August 29, 2014 - 22:55:20 in by salman abdi
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Dibadda Iyo Gudaha Somaliland Oo La Kulmay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya & Madax Kale

    Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuriyada Somaliland, oo shalay gaadhay Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa la kulmay Masuuliyiin muhiim ah oo tirsan xukuumadda Raysal-wasa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuriyada Somaliland, oo shalay gaadhay Magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa la kulmay Masuuliyiin muhiim ah oo tirsan xukuumadda Raysal-wasaare Haile Mariam.


Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay gaadhay gagida diyaaradaha ee Bole Interantional Airport ee magaalada Addis-Ababa, Ethoipia.

Weftiga waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Airportka Agaasimaha guud ee Arrimaha Dibada ee Ethiopia ee Arrmaha Africa AMB. Solomon iyo sii hayaha wakiilka safaaradaSomaliland ah na safiir ku xigeenka Mudane Ayanle Salad Deria, waxay kulan gaar ah ay la yeesheen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada una qaabilsan wasaarada arrimaha Africa, Amb. Birhane G/kiristos.

kulankaasi oo ahaa mid hadhimo sharafeed kulankaa waxa si aad ah logu falan qeyay xidhiidhka Taarikhigaa ee walaaltinimo ee u dhaxeeya labada wadan Ethiopia iyo Somaliland waxa si gaar ah diirada loo saaray arrimaha Nabadgalyada, Ganacsiga, Siyaasada ee Gobolka.

kulankaas labada dhinacba waxay iskula qateen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada Dal wixii Daganaashaha iyo horumarka labada wadan wax yeelayana meel loga soo wada jeesto.labada dawladood waxay si qoto dheer u falanqaayey xidiidhka jaarnimo iyo dawladnimo iyo sidii loo xoojin lahaa.

kulankaa waxa dhica wasiiru dawlaha Arrimaha dibada Ethiopia ku wehelinayey, chief of Cabinet ka Wasaarada Arrimha Dibada Mudane Mulugeta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada AMB. Solomon.

Dhanka Somaliland na Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Ali Mohamed Waran-Cade iyo Kusimaha Safaarada/Safiir ku xigeenka safaarada Somaliland Mudane Ayanle Salad Deria 



Contact@afkashacabka.com